Qabridahar(Cakaaranews) Talaado 4ta April 2017.. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ee socdaalka dheer kumarayay qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka oo habeenimadii xalay ahayd uhoyday magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey ayaa subaxnimadii saaka ku waabariistay mashaariicaha biyoxidheenka maraacaato iyo wijiwaaji oo ay biyo galeen iyadoo uusan wax roob ahi kadi’in magaalada qabridahar iyo nawaaxigeedaba, Balse biyahani yihiin kuwo ka yimid roobabkii kada’ay dhanka galbeedka gaar ahaan jigjiga iyo nawaaxigeeda islamarkaana laga qabtay togga faafaneed.
Haddaba biyahan galay mashaariicaha maraacaato iyo wijiwaaji ayaa buuxiyay 4 bond oo kamid ah 18ka bond ee mashaariicaha waraabka wijiwaaji, Maraacaato, Baka iyo goomaar. Waxaana qiyaasta biyaha galay 1kii bond uu noqonayaa 25kun oo booyadood oo ah booyadaha nooca 60ka foosto qaada.
Dhankooda shacabka magaalada qabridahar iyo kuwa qabalaha wijiwaaji oo aan marnaba filanaynin inay wakhtigan biyo galaan mashaariicahan balse la waabariistay bondyada mashaariicaha waraabka maraacaato iyo wijiwaaji oo buuxsamay ayaa bogaadiyay biyaha roobka kada’ay galbeedka ee buuxiyay 4tan bond iyagoo allah iyo xukuumadaba uga mahadceliyay.
Waxaana xusid mudan in mashaariicahan oo mudo sanad kayar uun laga joogo xiligii la dhagax dhigay ay maanta yihiin kuwo dhamaantood la dhamaystiray oo diyaar u ah qabashada biyaha roobka iyadoo ay xukuumaduna maalmihii ugu danbeeyay uun ay ku dhawaaqday dhamaystirka mashaariicahan.
Waxaana makhraati madoon ah inay mashaariicahan ay wax wayn kaqaban doonaan dhanka damaanad qaadka cuntada iyo waliba ka saarida bulshada xaalada saboolnimada, Taasoo qayb ka ah hiigsiga uu dalkeenu ku rabo inuu kamid noqdo wadamada uu dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.
Iskusoo wada duuboo, Mashaariicahan ayaa maalmaha fooda inagusoo haya bilaabi doona waraabka beeraha iyadoo bulshaduna ka faaiidaysan doonto.
Ugu danbayna madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa kormeer ay kusoo mareen goobaha ay xoolaha iyo dadkuba ka cabaan ee tuulada galadiid kadib ku laabtay magaalad qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey.