Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Shir Lagu Qiimaynayo Mashruuca PCDP Oo Kadhacay Degmada Hargeele

$
0
0

Hargeele (cakaaranews)Isniin 3da April 2017. Shir qiimayn ah oo lagu qiimaynayo waxqabadka mashruuca Horumarinta bulshada reerguuraaga ah ee (PCDP) islamarkaana ay kasooqaybgaleen shaqaalaha mashruuca 14 degmo oo kamid ah degmooyinka uu kahawlgalo mashruucu oo ka kala tirsan gobolada Afdheer, Liibaan, Daawa iyo shabeele ayaa kaqabsoomay xarunta gobolka afdheer ee degmada Hargeele .

Hadaba, shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Madaxa arrimha xisbiga gobolka afdheer mudane Maxamed cabdulaahi xuseen oo sheegay in shirkan lagu qiimaynayo waxqabadka mashruuca PCDP gaar ahaan waaxda iskaashatooyinka ee 14 degmo oo kakala tirsan afdheer liibaan daawo iyo shabeele. Wuxuuna xusay masuulku in shirkan lagu lafagurayo waxqabadka sanadakn 2009 T.I wixii fulay iyo waxa aan fulin iyo sababta uusan u fulin.

Sidookale, Agaasinka waaxda horumarinta habnololedka bulshada reerguuraaga ah ee xafiiska PCDP mudane Cabdiraxmaan siyaad ibraahim oo isna kamid ah masuuliyiintii shirka hogaaminaysay ayaa sheegay in shirkan la isku qiimaynayo qorshihii u qorshaysnaa waaxda habnololeedka ee  iskaashatooyinka. Wuxuuna xusay in siqodo dheer laiskula xisaabtamayo dhanka iskaashatooyinka sidii loofuliyay ama looraacay shuruucaha uyaala iyo waliba miisaaniyadihii loogu talagalay sida ay ubaxeen.

Ugudanbayna, agaasin kasocday xafiiska iskaashatooyinka DDSI mudane xaashi maxamed shide oo sheegay in qiimayntani aytahay mid laiskula xisaabtamayo qorshayaashii uyiilay waaxda iskaashatooyinka ee PCDP islamarkaana ay tahay mid lagudardargalinayo shaqooyinka uyaala waaxda iyo dhamaanba shaqooyinka mashruuca PCDP.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>