Qabridahar(Cakaaranews) Arbaco 5ta April 2017. Waftigan isugu jiray safaarada maraykanka iyo hay’ada USAID oo ugu horayn kadagay magaalada wardheer ee xarunta gobolka doolo islamarkaana soo kormeeray xaalada abaarta ee kajirta aagaasi iyo waliba waxkaqabadka balaadhan ee ay xukuumada dalka iyo ta deegaankuba kagaysteen oo si aad a ubogaadiyay ayaa usoo gudbay dhanka iyo magaalada qabridahar iyagoo halkaas kulan kula qaatay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftiguu hogaaminayay oo kujiray socdaalkoodii islamarkaana baryahanba kusugnaa xarunta gobolka qoraxey ee magaalada qabridahar.
Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waftigan uga warbixiyay xaalada abaarta ee kajirta deegaanka iyo sida loola tacaalay ee aysan cidna ugu dhimanin isagoo uqeexay qorshaha cilmiyaysan ee looga baaraan dagay si aysan cidna ugu waxyeeloobin gaar ahaan dhinaca biyaha oo dhamaan ceelasha deegaanka laga dhigay functional, raashinka noocyadiisa kaladuwan iyo calafka xoolaha oo lageeyay goob kasta oo deegaanka ah. wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray, in quudin laga sameeyay dhamaan goobaha loo doortay in la isugu imanayo. madaxwaynaha ayaana socdaalkoodan kormeerka ah uga mahadceliyay waftigan iskudhafka ah.
Dhanka kale, waftigan iskudhafka ah ayaa xukuumada dalka, ta deegaanka iyo waliba hay’adaha samafalka uga mahadceliyay kaalinta ay kagaysteen abaarta iyagoo tilmaamay in si kagonaanshiiyo leh oo wadaniyad iyo kadamqasho kudheehan tahay loola tacaalay xaalada abaarta. waxayna aad ubogaadiyeen mashaariicaha waa wayn ee horumarka deegaanka oo ay soo booqdeen iyagoo cadeeyay in deegaanku uu wakhti xaadirkan kusugan yahay nidaam horumarineed oo taabagalay islamarkaana aan dib unoqosho lahayn. waxayna balanqaadeen inay dhankooda kaalin laxaad leh kaqaadan doonaan kasamata-bixinta bulshada xaalada abaarta.
Ugudanbayna, kulankan ayaa kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan oo go’aankiisu yahay in si wadajir ah loo sii wado waxqabadka kago'naanshiiyo leh ee loo hayo shacabka.