Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Qabridahar Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay MW CMC.

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Axad 2da April 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo socdaal dheer ku maraya qaarka mid ah gobolada iyo degmooyinka DDSI ay abaartu saamaysay ayaa galabta soo gaadhay degmada birqod ee gobalka jarar,

Hadaba waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo xalay u hoyday magaalada awaare ayaa saaka ka dib markii ay deeqo raashin ah u qaybiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada awaare iskana xogwaraysteen bulshada xaaladaha abaarta ayaa waxay u ambabexeen dhinaca degmada gunagado ee gobalka jarar. Iyagoo sii marey tuulooyin ay ka mid yihiin tuulada bukudhawa iyo lafoole, ka dibna waftigan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada gunagada ee gobalka jarar.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa maanta galinkii danba ka soo ambabaxay magaalada gunagado una soo kicitimay dhinaca degmada birqod, Isalmarkaana waftigan ayaa intii ay dhexda kusoo jireen tuulooyinka iyo tuula hoosaadyada ay soo marayeen gaadhsiinayay bulshada deeqo ay ka mid yihiin raashinka noocyadiisa kala duwan, dawooyinka dadka, Ta duunyada, biyo iyo calafka xoolaha iyada oo dhinaca kale uu madaxwaynuhu bulshada ka xogwaraysanayay xaaladaha abaarta. Waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galabta soo galay magaalada birqod ee gobolka jarar halkaas oo si meeqaan sare ah loogu soo dhaweeyay. Waxayna  madaxwaynaha iyo waftigiisu usii dhaafeen dhinaca magaalada qabridahar, Iyagoo wakhti-xaadirkan ku sugan magaalada qabridahar ee xarunta gobalka qoraxey.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>