Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Dood Cilmiyeed Kusaabsan Geedka Garanwaaga Ah Oo Kadhacay Magalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)axad  2da April 2017. Aqoon is waydaarsi  kusaabsan geedka garanwaaga ah islamarkaana ay kasooqaybgaleen xubno kasocday wasaarada  xoolaha iyo kalumaysiga, xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraaga DDSI, xafiiska cilmibaadhista DDSI, wasaarada cilmibaadhista iyo waliba xubno kasocday 6 degmo oodeegaank ah ayaa kaqabsoomay magaalada jigjiga.

Hadaba, Dood cilmiyeedkan oo lagu falanqaynayay waxyeelada ba’an ee uu geedka garanwaaga ahi kuhayo waxsoosaarka dhulka iyo xoolahaba. Waxaana warbaahinta deegaanka uga warbixyay ujeedada doodcilmiyeedkan qaarkamid ah masuuliyiintii kasooqaybgalay oo sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay mid siwayn loogu lafagurayo dhibatooyinka geedka garanwaaga ah iyo sidii looladagaalamilahaa islamarkaana looga soosaarilahaa startijiyad guud oo heer dal iyo heerdeegaanba ah oo ku aadan dabargoynta geedkan. Waxayna xuseen in daraasaadyo kaladuwan lagasmaeeyay geedkan. Waxayna xuseen in geedkani kubadanyahay deegaanada soomaalida iyo canfarta iyo waliba qayba kamid ah oromiya sida gobolda booranta.

Sidookale, masuuliyiinta oo hadalkooda siiwata ayaa tilmaamay in geedkani uusan wax faaiida ah oo quman uusan lahayn, laakiin daraasaadyada lasmeeyay qaar ay leeyihii faaiidooyin ayuu leehay sikastaba ha ahaatee khasaarihiisa ayaa kabadan faaiidadiisa. Waxayna  carabka kudhufteen indoodcilmiyeedkani uu yahay mid heer dal ah islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in laga soosaaro talaabooyin wax ku ool ah.

Iskusoowada duuboo shirkan doodcilmiyeedka oo masuuliyiin heerdal ah iyo kuwo heerdeegaan ahba ay kujiraan ayaa lafilayaa inuuu sii socdo 2 maalmood ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>