Wajaale(Cakaaranews) Axad 2da April 2017. Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sii xoojinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa ka dhacay maamulka magaalada tog-wajaale.
Waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka magaalada tog-wajaale oo uu ka mid yahay maayirka maamulka magaalada tog-wajaale, odayaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan maamulka magaalada tog-wajaale ayay ujeedadiisu ahayd dar-dargalinta iyo xoojinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo waliba sidii qaybaha kal duwan ee bulshada loogu baraarujin lahaa doorka ay ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarka iyo nabadgalyada ayaa waxaa ugu horyntii ka hadlay maayirka maamulka wajaale mudane Maxamuud Cabdi Muxumed oo si qoto dheer uga warbixiyay jihooyinka istaraatiijiyadaha u dajisan xukuumada DDSI iyo kaalinta ay qaybaha kala duwan ee bulshadu ku leeyihiin hirgalinta qorshayaashaasi.
Dhankooda odayaasha iyo waxgaradka mm tog-wajaale oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in ay kaalintooda kaga aadan hirgalinta qorshayaasha horumarineed ka soo baxayaan islamarkaana ay diyaar u yihiin sii xoojinta horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hanaqaaday deegaanka.