Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Soo Galay Awaare

$
0
0

Awaare(Cakaaranews) Sabti 1da April 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo wali ku jira socdaalkii roob-doon iyo u kuurgalida xaaladaha abaaraha saameeyay qaarka mid ah degmooyinka DDSI ayaa saaka ka soo ambabaxay magaalada gaashaamo oo ay xalay u hoydeen.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay magaalada daroor ee  gobalka jarar halkaas oo ay si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada daroor, Wuxuuna  madaxwaynahu xadhiga ka jaray ceelbiyood (Riig ah) oo ay xukuumada DDSI ka hirgalisay magaalada daroor, Intaasi ka dib waxay madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo u soo ambaxabeen dhinaca degmada awaare ee gobolka jarar iyada oo ay halkaasi  qaybaha kala duwan ee bulshadu ku soo dhaweeyeen markii ay soo galeen waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI ayaa waxa uu sidoo kale madaxwaynuhu xadhiga ka jaray ceelbiyood (riig ah) oo ay xukuuamda DDSI ka hirgalisay magaalada awaare kaas oo looga faa’iidaysano xiligan in ay isticmaalaan bulshada abaaruhu saameeyeen.

Ugu danbayn madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa intii ay dhexda ku soo jireen tuulo kasta iyo magaalo kasta oo ay soo gaadhaan waxay shacabka gaadhsiinayeen raashinka noocyadiisa kala duwan, calafka xoolaha iyo biyo iyada oo uu dhinaca kale madaxwaynahu iska xogwaraysanayeen bulshada ay la kulmaan xaaladaha abaaraha. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa wakhti-xaadirkan ku sugan magaalada awaare ee gobalka jarar.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>