K-jigjiga(cakaaranews)khamiis 30ka March 2017. Shir balaadhan oo looqabtay ururada fedhereeshinka ee dhalinyarada degmada koonfurta jigjiga islamarkaana lagagawada arrinsanayay shaqo abuurka iskaashatooyinka dhalinyarada ah ee kudhaqan degmada ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.
Hadaba, shirkan ayaa waxaa gu horayn kahadlay Gudoomiyaha degmada Koonfurta jigjiga mudane Yuusuf Cilmi isaaq oo sheegay in shirkani yahay mid lagagawada arrinsanayo shaqo abuurka iyo sidii ay ururada dhalinyaradu uga faaiidaysan lahaayeen fursado shaqo ee loobaahanayahay iyadoo laraacayo shuruucaha iyo nidaamyada. Wuxuuna intaa kudaray in shirkan ay kasooqaybgaleen dhamaan ururada federationka senterada hoosyimaada degmada koonfurta jigjiga. Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ay isugu xidhanyihiin shirkado yayar,islamarkaana ay tahay jihooyin horumarineed oo dalku qaatay in dhaliyarada deegaanka loo sameeyo shaqo abuur si looga qalinjabiyo saboolnimda wadankuna uu uga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdexaadka yahay.
Sidookale, Madax Xafiiska Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Degmada Koonfurta Jigjiga mudane Cabdishakur Ilyaas Cabdi (Talaabo) oo isna dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in ka dal ahaan door muhiim ah lasiiyay in kor looqaado dhanka shaqo abuurka ee dhalinyarada iyadoo dhalinyarada laisugu xidhayo iskaashatooyin, loona samaynyo shirkado yarayar. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in shirkan lagaga wada tashanayo nidaamyadii iyo xeerarkii islamarkaana lagu kalaqaadanayo awaamiir.
Ugudanbayna kaqaybgalaysshii shirkan oo dareenkooda kahadlay ayaa tilmamay in ay aad ugu faraxsanyihiin shirkan islamarkaana ay muujinayaan shaqo wanaag kan midho dhalinayaan shqooyinka loo abuuro iyagoo u hogaansan shuruucda u yaala dalka iyo deegaankaba.