Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Tababar Kor Loogu Qaadayo Awooda Fulineed Ee Fudaydiyayaasha ABE yada

$
0
0

Godey (cakaaranews)Arbaco 29ka March 2017. Tababar kor loogu qaadayo aqoonta Hawl fudaydiyayaasha ABE yada islamarkaana ay kasooqaybgaleen xubno kasocday  qaarkamid ah degmooyinka gobolka shabeele, gobolka qoraxey iyo gobolka afdheer ayaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay  xarunta gobolka shabeele ee magaalada Godey.

Hadaba,  Fuliyaha Tababarada iyo Dhamaystirka Aqoon-kordhinta ABE yada ee Xafiiska Waxbarashada DDSI ahna Iskuduuwaha Tababarkan  mudane Maxamed Muxiyadiin  (shariif) oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay n tababarkan ujeedadiisu tahay mid kor loogu qaadayo heerka aqoonta fulineed ee fudaydiyayaasha ABE yada. Wuxuuna intaa kudaray in fudaydiyayaasha lagu barayay casharo kala duwan oo muhiim u ah oo ay kamid yihiin dabagalka iyo qiimaynta waxbarashada informalka ah ee reerguuraaga, adkaynta iyo sinaanta kaqaybgalka waxbarashada ee gabdhaha iyo wiilasha, sidii looga midho dhalin lahaa noocyada kaladuwan ee waxbarashada reerguuraaga, xilka iyo waajibaadka shaqo ee fudaydiyayaasha ABE yada,  Iyo raacista nidaamka iyo qorshayaasha u yaala xafiiska waxbarashada DDSI.

Iskuduwaha oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in fudaydiyaashu ay kakala yimaadeen qaarkamid ah degmooyinka gobolka shabeele, Gobolka qoraxey iyo gobolka afdheer . wuxuuna kula daradaarmay in casharada ay barteen ay ku muujiyaan ficil islamarkaana uga faaiideeyaan bulshadooda.

Ugudanbayna, dhankooda kaqaybagalaayshii kasooqaybgalay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan. Waxayna xuseen in tababarkan ay kafaa’iideen cilmi farabadan islamarkaana ay ka dhaqa ngalinyaan goobihii ay ka kala yimaadeen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>