Danood.(Cakaaranews),Arbaca 29ka March, 2017. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo xalay u hoyday xarunta gobolka doolo ee wardheer ayaa saaka kulan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada wardheer, Halkaas oo uu madaxwaynuhu uga waramay bulshada ujeedada socdaalkooda wuxuuna ku booriyay bulshada in ay roobdoon sameeyaan illahayna baryaan.
Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kulanka uu bulshada la qaatay kadib xadhiga ka jaray ceelbiyood (riig) ah oo ay xukuumada DDSI ka hirgalisay magaalada wardheer kaas oo ah mid wakhtixaadirkan looga, faa’iidaynayo bulshada abaaruhu saameeyeen. Waxayna Madaxwaynaha iyo waftigu intii aysan ka bixin magaalada wardheer deeqo raashinka noocyadiisa kala duwan ah u qaybiyeen bulshada ku dhaqan magaalada wardheer ee ay abaaruhu saameeyeen.
Ugu danbayna waxay madaxwaynaha iyo waftigiisu u ambabaxeen dhinaca degmada danood ee gobolka doolo. Iyagoo intii ay dhexda sii socdeen wafigani sii mareen tuulooyin badan oo ay ka mid yihiin lamadaga iyo jinoole waxayna tuulooyinkaas ugu qaybiyeen bulshada deeqo raashinka noocyadiisa kala duwan ah iyadoo dhinaca kale uu madaxwaynuhu kulamo la yeelanayay bulshada ku dhaqan tuulooyinkaas ay sii marayeen.
waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ku guda jira socdaalkii roobdoon ayaa wakhti-xaadirkan ku sugan degmada danood ee gobalka doolo.