Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maamulka Maaliyada Oo Loo Qabtay Qaarka Mid Ah Shaqaalaha Xafiisyada heer deegaan.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),khamiis, 30ka March, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI loo qabtay shaqaalaha xafiisyada heer deegaan gaar ahaan masuuliyiinta waaxda xisaabaadka iyo qorshaynta xafiisyada heer deegaan ayaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI 

Tababarkan ayaa waxay  ujeedadiisu tahay sidii shaqaalahan fahan buuxa looga siin lahaa Nidaamka maamulka maaliyada ee ku shaqaynta aalada casriga ah (I box  online system),  ka wada xaajoodka qorshaha sanadka  2010TI  oo  diyaarintiisa la  soo bilaabay bishii tir ee sanadkan aan ku jirno iyada oo la waafajinayo qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha jaan-qaadkiisa 2aad (GPT2). Ee dalka iyo deegaanka u yaala.

Furitaankii tababarkan waxaa ka hadlay wasiir ku xigeenka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge oo sheegay in ay ujeedada ugu muhiimsan ee tababarkan laga leeyahay tahay xoojinta iyo hirgalinta  nidaamka cusub ee maamulka maaliyada casriga ah ( online systemka) kaasi oo laga hirgalinayo dhamaan xafiisyada heer deegaan iyo degmooyinka deegaanka. Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in si loo taaba galiyo nidaamkan ay lagama maar maan tahay in fahan buuxa laga siiyo shaqaalaha ay fulintiisu khusayso qaab shaqeedka iyo habraacyada nidaamka maamulka maaliyada ee cusub. Wuxuuna ku booriyay tababartayaashan in ay fahan buuxa ka qaataan cashirada lagu dhigayo mudada uu socdo tababarkan si looga midho dhaliyo nidaamka cusub.

Tababarkan oo mudo 3 maalmood ah socondoona ayaa waxaa cashiradiisa bixinaya khabiiro ka socday xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>