Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee inooga timid deeganka amxaarada

$
0
0

Jarar(Cakaaranews) Talaado 28ka March 2017.Dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee bulshada ay abaartu saamaysay ee deegaankeena uga soo gurmaday deegaanka walaalaheen ah ee amxaarada oo wata noocyada kaladuwan ee dawooyinka, ambalaas iyo booyada biyaha ayaa lagaadhsiiyay degmooyinka iyo tuulooyinka gobolada jarar, doolo iyo qoraxey si ay adeeg-bixinta tabarucaada ah ee dhanka caafimaadka iyo biyaha uga caawiyaan bulshada ay abaartu saamaysay.



Hadaba dhakhaatiirta iyo xirfadlayaashan caafimaadka ee inooga yimid shacabka aan walaalaha nahay ee deegaanka amxaarada oo wakhti xaadirkan kuhawlan kasamata-bixinta bulshada deegaankeena xaalada abaarta ayaa adeeg-bixino kaladuwan oo hadh iyo habeenba ah gaar ahaan dhinacyada caafimaadka iyo biyaha kafulinaya gobolada, degmooyinka, tuulooyinka iyo tuulo-hoosaadyada ay abaartu kasaamaysay deegaanka iyagoo diyaar u ah inay bulshada walaalahood ah ee ay abaartu saamaysay kalaqaybqaataan hadba xaalada ay kusugan yihiin ilaa naf-huris.


Iskusoo wada duuboo, dhakhaatiirta iyo xirfadlayaashan caafimaadka ee udamqaday shacabka walaalahood ah  ee ay abaartu saamaysay ayaa ah kuwo ficil kumuujiyay wadaniyada iyo is-jacaylka ay leedahay itoobiyada macaan ee maanta. Waxaana xusid mudan in shacabka deegaankeenu uusan marnaba iloobaynin waxqabadka joogtada ah, taageerada iyo garab-jooga aan loo kalahadhin ee ay hormuudka utahay dawladeena federaalka ah, xukuumada deegaankeena, dawlad deegaanada iyo ismaamulada dalkeenuba.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>