Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW Kuxigeenka DDSI Oo Bulshada Deegaanka Ugu Baaqday Ka Faa'iidaysiga Xili Roobaadka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 28ka March 2017. madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa bulshada deegaanka ugu baaqaday inay ka faaiidaytaan roobka gugu ee curtay islamarkaana u dhaqaaqaan inay dhulka ku foorarsadaan si , Iyadoo madaxwayne kuxigeenku intaa ku dartay inaysan jirin meel aduunka 12ka biloodba roob hesha balse ay kafiidaystaan xiliga uu roobku da o . Waxayna madaxwayne kuxigeenku ugu baaqaday dhamaan bulshada deegaanka inay samaytaan waxsoo saar beero si ay ooga gaashaantaan abaaraha ku yimaada isbadalka cimilada.  

Sidoo kale madaxwayne kuxigeenka ayaa xustay in laga faaiidaysto khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka sida fooxa, Xabagta iyo qaybaha kale ee khayraadka deegaanka, Iyadoo madaxwayne kuxigeenku ku boorisay bulshada deegaanka inay ilaaliyaan ugaadha deegaanka islamarkaasna laga ilaalilyo cidwalba oo doonaysa inay kula tagaan sharci daro.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>