Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Xubno Ka Socday Ururada Mucaaradka Ah Ee Dalka Oo Booqasho Kutagay Qaar kamid ah Degmooyinka Deegaanka Iyo Mashaariicaha Waawayn

$
0
0

Godey(Cakaaranews) Arbaco 29ka March 2017. Xubno kascoday axsaabta siyaasadeed ee dalka oo ay kamid yihiin xisbiga talada haya ee EPRDF iyo 8 xisbi oo ah axsaabta mucaaradka ah islamarkaana ay hogaaminayeen wasiir kuxigeenada xafiiska maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale, iyo mudane Cabdiwali Xaaji Maxamed Dalmar ayaa booqasho ay ku indho indhaynayaan dhinaca abaaraha iyo hirgalinta mashaariicaha waawayn ee deegaanka kusoomaray qabaleeyada hoostaga degmooyinka goolka jarar, qoraxey iyo shabeele.

Hadaba, axsaabtan siyaasadeed ee dalkeena oo ay kamid ahaayeen mudane Girma Malaku xisbiga talada haya ee EPRDF, mudane Masfin shifarew xisbiga AENM, Mudane Ayale jamiso oo kasocda ururka QINIJIT , mudane Wandasen Akalu ururka EPDP iyo xubno kale oo kasocda xisbiyada mucaaradka oo dhamaantoodba  u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in ay  indhahooda ku arkeen dadaal balaadhan oo ay samaysay xukuumadu. Waxayna xuseen in ay lakulmeen bulsho kaladuwan oo ah bulshadii ay abaartu saamaysay islamarkaana ay u sheegeen in lasameeyay goobo farabadan oo lagu quudiyo bulshada, iyadoo bulshada intiii xoolaha lacag lagasiiyo hadana looqalayo oo lagu quudinayo.  Axsaabtan ayaa tilmaamay in bulshadu ay aad ugu mahadcelinayso xukuumada DDSI sida ay ula tacaashay bulshada ay abaartu saamaysay.

Sidookale, axsaabtan oo kahadlay dhinaca hirgalinta mashaariicaha waawayn ee biyo xidheenada ayaa sheegay in aysan marnama filaynin inay arkayaan mashaariico sidan u balaadhan oo deegaanka soomalida laga fuliyay waxayna xuseen in deegaanada kale ay khibrad kaqaataan deegaanka soomalida madaama oo ay tahay mashaariic lagaga gaashaaman karo abaaraha islamarkaana waxsoosaar badan lagu samynkaro.

Iskusoowada duuboo, axsaabatan siyaasadeed ee mucaaradka ah oo dhaliilo uraadinayay xisbiga talada haya  ee EPRDF ayaa aad ugu riyaaqay horumarka baaxada wayn ee deegaanka soomaalida kahirgalay 8 dii sano ee u danbaysay.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>