Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW CMC iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Galay Qabridahar.

$
0
0

Qabridahar,(cakaaranews), Axad, 26ka March , 2017. Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo isugu jira mas'uuliyiin heer faderaal iyo heer deegaan ah ayaa socdaalka Roob-doon ku maraya qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka.

Waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  oo shalay ka ambabaxay xarunta deegaanka ee magaalada jigjgiga wuxuu madaxwaynuhu socdaalkan kudhagax-dhigay mashruuca biyo-galinta ee Qabribayax-Gilo oo dhan 27km. Waxayna usii dhaafeen dhinaca gobolka jarar iyagoo  habeenimadii xalay uhoyday  tuulada Boholalay oo katirsan degmada Bilcilbuur ee Gobolka Jarar.

madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaana halkaa xadhiga kaga jaray ceelbiyood-riig ah oo ay xukuumada DDSI ka hirgalisay tuulada boholalay ee degmada bilcil-buur. Wuxuuna madaxwaynuhu halkaa kulahadlay qaybaha kaladuwan ee bulshada kudhaqan aagaasi isagoo kaxogwaraystay xaaladaha bulshada iyo hab-nololeedkooda ugana warbixiyay ujeedada socdaalkooda iyo faa'iidooyinka ceelbiyoodkani uleeyahay bulshada.

Waftigan ayaa tuulada boholalay uga anbabaxay dhinaca gobolka qoraxay, waxay intii ay ku sii  jireen socdaalkan maanta sii indha indheeyeen mashaariicaha waawayn ee horumarka waara gaar ahaan mashaariicaha waraabka beeraha ee xukuumada DDSI  ka hirgalinayso   Beka, Birqod, Goomaar iyo Wijiwaaji iyagoo dhanka kalana bulshada ay sii dhex-jibaaxayeen ay kusoo dhawaynaysay caleemo qoyan islamarkaana loo qaybinayay raashinka noocyadiisa kaladuwan iyo waliba biyo.

ugudanbayna Waftigan ayaa galabta kucaraabay magaalada Qabridahar ee xarunta gobolka Qoraxay wakhti-xaadirkana ku sugan.  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>