Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Wafti Ka Socday Dalka Jabuuti Oo Booqday Mashaariicaha Horumarineed Ee DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 27ka March 2017. Wafti balaadhan oo ka socday dalka jabuuti ayaa booqasho ku soo gaadhay deegaanka somalida itoobiya, waxayna waftigani markii ay soo galeen deegaanka booqasho ku soo mareen mashruuca biyaha looga galinayo dalka jabuuti kaasi oo laga jiidayo lagana hirgaliyo degmada hadhagaale ee Gobola Sita.

Haddaba, waftigan ka socday dalka jabuuti oo uu hogaaminayay wasiirka beeraha, biyaha xoolaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka bada dalka jabuuti mudane Maxamed Axmed Cawaale ayna ku wehelinayeen masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Qunsulka Safaarada dalka jabuuti u dhafiya magaalada deridhawa ee dalkeena itoobiya mudane Aadan Muuse Aar iyo maalgashadayaal ka socday dalka jabuuti, ayaa ka dib markii waftigani soo gaadheen caasimada deegaanka ee jijgjiga ayay waxay u ambabaxeen dhinaca mashaariicaha waawayn ee deegaanka, iyada oo ay horkacay masuuliyiin heer deegaan ah oo uu ka mid yahay Hantidhawraha guud ee DDSI mudane Aadan Kuusow Cali.

Waftigan oo ay ujeedada socdaalkoodu tahay mid khibrad wadaag iyo aqoon korodhsi ah iyo waliba sidii ay u maalgashan lahaayeen khayraadka deegaanka ayaa waxay ugu horayntii booqdeen mashaariicaha waawayn ee dhinaca waraabka beeraha ee Baka Birqod, Goomaar wejiwaaji iyo maraacaato. Waftigan oo sii wada socdaalkooda ayaa gaadhay gobolka shabeele iyada oo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulka gobolka shabeele ayaa waxay booqdeen mashruuca waraabka galbeedka goday, waxayna waftigan intii ay booqanayeen mashaariicahan soo indha indheeyay qaybaha kala duwan ee mashaariicaha horumarineed islamarkaana warbixino ka dhagaysteen hawl wadeenada gacanta ku haya mashaariicahan.

Wasiirka beeraha, biyaha xoolaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka bada dalka jabuuti mudane Maxamed Axmed Cawaale oo warbaahinta deegaanka la hadlay ayaa ugu horayntii ugu mahad naqay xukuumada DDSI iyo shacabka deegaanka soomalida itoobiya sida walaaltinimo ee loogu soo dhaweeyay deegaanka isaga oo sheegay in mashaariicahan horumarineed ee ay arkeen yihiin kuwo wax wayn ka badalaya nolosha bulshada deegaanka islamarkaana khibrad badan ka qaateen mashaariicahan, wuxuuna wasiirka intaa ku daray  in khibradan iyo aqoontan ay ka qaateen deegaanka ka hirgalin doonaan dalka jabuuti maadaamo oo ay hab-nololeedka bulshada jabuuti iyo tan deegaanku tahay mid ku salaysan xoolo dhaqato.

Dhankiisa hantidhawraha guud ee DDSI mudane Aadan kuusow cali oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa waxa uu waftigan uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen deegaanka somalida itoobiya wuxuuna sheegay in ay xukuumada DDSI dajisay siyaasada bulshada looga faa’iidaynayo khayraadka deegaanka khayraadka deegaankuna yahay mid aad u balaadhan dadaal badana xukuuamda DDSI ugu jirto sidii loo sii horumarin lahaa.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>