Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW CMC Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xubno Ka Socday Ururada Mucaaradka Ah Ee Dalka.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 25ka March 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka hor intii uusan ka ambabixin xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay kulana kulayeeshay xubo ka socday 8 urur oo ah ururada mucaaradka ah ee dalka ka jira, iyada oo ay kulankaasi ka soo qaybgaleen golaha kaabineega DDSI.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xubnahan warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka siiyay xaaladaha guud ee deegaanka iyo marxaladihii siyaasadeed ee uu soomaray gaar ahaan xaaladaha abaarta ee hadda ka taagan qaarka mid ah degmooyinka deegaanka, Madaxwaynaha ayaana si mug leh uga warbixiyay dadaalada ay xukuumada DDSI oo kaashanaysa dawlada federaalka u gashay sidii shacabka deegaanka ee ku nool degmooyinka abaaruhu saameeyeen looga samata bixin lahaa saamaynta abaaraha , Wuxuuna madaxwaynahu  tilmaamay in gobolada qaar aanu roobkii la filayay aan la helin 2dii sano ee ugu danbeeyay taasina ay keentay in ay saamayn ku yeelato nolosha dadka iyo duunyada,Sidoo kale wuxuu madaxwaynuhu sharax dheer ka bixiyay mashaariicaha waawayn ee sanadihii ugu danbeeyay laga hirgaliyay deegaanka gaar ahaan mashaariicaha dhinaca biyaha, kuwaasi oo dayr adag uga noqday bulshada xaaladaha abaarta

Dhankooda xubnihii ka socday ururada mucaaradka ah ee dalka oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in deegaanka soomalida itoobiya sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn oo dhaxal gal ah ka soo hooyay dhinacyda horumarka nabadgalayda iyo maamul wanaaga. waxayna ku amaaneen hogaaminta xukuumada DDSI ka go’naanshaha iyo kartida hogaamineed ee lagu hirgaliyay mashaariicaha horumarineed ee deegaanka iyo dadaalka balaadhan ee ay xukuumada DDSI kaga jawaab celinayso xaaladaha abaarta.

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>