Jigjiga(cakaaranews)Sabti 25ka March 2017. Caasimada DDSI ee Magaalada jigjiga oo ah caasimad da’a yar ayaa waxaa maalinba maalinta kadanabaysa kor u sii kacaya huteelada, warshadaha iyo dhamaan adeegyada horumarka iyadoo maantana xadhiga laga jaray huteel cusub islamarkaana uu xadhiga kajaray kusimaha Maayorka MMJ ahna Mareeyaha Guud ee Maamulka Magaalada jigjiga mudane Fadxi Shugri Axmed.
Hadaba, huteelkan oo lagu magacaabo Ramaas Huteel, ayaa waxaa xadhig kajarkiisii isugu yimid aar kamid ah shacabka kudhaqan magaalada iyo waliba qaarkkamid ah mas’uuliyiinta maamulka magaalada jigjiga oo uu horkacayo Kusimaha Maayorka Maamulka Magaalada jigjiga mudane Fadxi Shugri Axmed oo sheegay in ay kamaamul magaalo ahaan ay soo dhawaynayaan horumarka magaalada islamarkaana ay u mahad celinayaan maalgashadaha huteelkan dhisay. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in sanadihii ugu danbeeyay ay kor u kuceen adeegyada kaabayaasha dhaqaale ee caasimada jigjiga haday tahay kuwo dawladu fuliso iyo haday yihiin kuwo gaar looleeyahayba sida huteelada, warshadaha, shirkadaha iyo xarumaha ganacsigaba. Masuulka oo hadalkiisa sii wata ayaa qurba joogta iyo qaran joogtaba kula dardaarmay in aysan fari kaqodnayn fursdaha maalgashi ee deegaanka ka banaan islamarkaana ay muhiim tahay in qofkasta oo awooda uu deegaankiisa maalgashado maadaama halkii huteel ama halkii shirkadba ay muwaadimiin badan shaqo abuur ka helayaan iyaguna ay faaiido baladhan ka helayaan.
Dhankiisa mulkiilaha huteelka oo ah muwaadin qurba joog ah ayaa isna kahadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dhisida iyo furida huteelka. Wuxuuna xusay in huteelkan uu kakoobanayahay jiif heersare ah, cunto iyo waliba Cafterias islamarkaana ay shaqo abur kahelayaan dad farabadan. wuxuuna tilmaamay in ay huteelkan kubaxday aduun lacageed oo dhan 16 milion oo birr
Ugudanbayna qaar kamid ah bulshadii kasoo qaybgashay ayaa tilmaamay in huteel heersare ah uu kusoo biiray xaafadan 06 gaar ahaan agagaarka qomaadaha waxayna xuseen in uu yahay mid loo baahnaa.