Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 24ka March 2017. Kulan wada tashi ah oo ay kasoo qaybgaleen 66 xubnood oo kala ah maamulayaasha, Kormeerayaasha, iyo maamulada kuxigeenada 38da dugsi ee ka dhisan maamulka magaalada jigjiga ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxabarashada DDSI.
Hadaba kulankan wadatashiga ah oo ay hogaaminayeen agaasinka waaxda kormeerka iyo tayada waxbarashda ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdixakiin Maxamed Cali iyo Madaxafiiseedka waxbarashada mm jigjiga mudane Cabdinaasir Cadhays Maxamuud ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay agaasinka waaxda kormeerka iyo tayada waxbarashda ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdixakiin Maxamed Cali oo sheegay in kulankan ujeedadiisu yahay sidii loosii xoojinlahaa tayada waxbarashada dugsiga maamulka magaalada jigjiga loona soo saari lahaa arday tayo leh, islamarkaana loo baahanyahay in lasoo dhigo caqabadaha ka jira dugsiyada la isalana gorfeeyo dhaliilaha ka jira dugsiyada si meesha ku haboon loogu saxo. Sidoo kale wauxuu agaasinku xusay in dugsi walba lala xisaabtami doono, Iyadoo qof walba lagula xisaabtami doono heerka uu dugsigiisa gaadhsiiyay mudada uu ka hawlgalalay dusigaas Wuxuuna agaasinku intaa kudaray in loo baahan yahay inaad sii laba jibaartaan dadaalka kor loogu qaadayo tayada dugsiyada si aynu ooga midha dhalino yoolasha waxabarasho ee aynu hiigsanayno.
Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay Madaxafiiseedka waxbarashada mm jigjiga mudane Cabdinaasir Cadhays Maxamuud oo sheegay inuu kulankan yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahan yahay in lagaga wada hadlo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxabarsho ee dugsiyada ka dhisan mm jigjiga, Isagoo madaxafiiseedku intaa ku daray in kasoo qaygalayaasha kulan yihiin kuwa kali ah ee kor u qaadi kara tayada waxabarasho ee 38 dugsi ee ka dhisan mm jigjiga si taas u hirgashana loo baahan yahay in la isla meedhigo jidka ugu fudud ee lagu hirgalin karo. Isagoo madaxafiiseedku in xusay inuu kulankan yahay mid joogta ah oo marwalba la isula iman doona natiijada uu dugsi walba ka keeno kulankan.