Image may be NSFW.
Clik here to view.Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 24ka March 2017. Madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa dib ugusoo laabatay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kadib markii si diiran loogusoo dhaweeyay cariga maraykanka gaar ahaan magaalada menniapolis islamarkaana ay jaaliyada waqooyiga America ee magaalada menniapolis iyo dhamaan muwaadiniinta DDSI ee ku sugan magaalada menniapolis kala qaybqaadatay xuskii 19aad ee aasaaska XDSHSI, Halkaas oo ay kasoo jeedisay qudbad dhaxal gal ah iyo waliba inay qurbajoogta deegaanku ka qaybqaataan xaalada abaarta ee ka jirta deegaanka.
Waxayna madaxwayne kuxigeenku kulamadaas iyo hawlahaas shaqo kadib kasoo caga dhigatay gaaroonka diyaaraha caalamiga ah ee garaad wiilwaal. Madaxwayne kuxigeenka ayaana wakhti xaadirkan ku sugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.