Doolo-Bay (cakaaranews)Jumce 24ka March 2017. Shir balaadhan oo ay kasooqaybgaleen masuuliyinta ugu saraysa degmada, qaybaha kaladuwan ee bulshada kudhaqan degmada doolo-Baay, islamarkaana ujeedadiisu tahay wacyigalinta kor uqaadista nadaafada guud ee magaalada doolo-bay iyo tan shaqsiyadeed ayaa ka qabsoontay isla degmada doolo-bay.
Hadaba, Kusimaha Gudoomiyaha ahna Madaxa Xafiiska Biyaha Degmada Dolo-Bay mudane Farxaan Ikhyaar oo shirkan ka hadlay ayaa sheegay in shirkani yahay mid wacyigalin ah oo kusaabsan ilaalinta nadaafada magaalada iyo tan xaafadaha, maadaama oo ay nadaafadu tahay iimaanka badhkii islamarlkaasna nadaafad darada laga qaadi karo cuduro xunxun. Wuxuuna tilmaamay in bulshada iyo maamulkuba si wada jia ah uga qaybqaataan.
Dhanka kale, xubno kamid ah kabineetka degmada oo iyana shirkan kahadlay ayaa sheegay in nadaafada dagmada si wada jir ah looga qaybqaato. Waxayna xuseen in hooyooyinku ku u mulaan xarumaha caafimaadka.
Ugudanbayna, bulshadii kasoo qaybgashay shirkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana ay balan qaadayaan inta karaankood ah inay uga qaybqaataan ilaalinta nadaafada guud ayo ta gaar ahaneedba