Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Tababar Ku Saabsanaa Fayadhawrka Dugsiyada Deegaanka Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Khamiis 23ka March 2017. Tababar kusaabsan nidaamka ilaalinta deegaanka schoolada iyo guud ahaanba nadaafada dugsiga iyo ardayda ee  28ka degmo uu ka howlgalo barnaamijka wash islamarkaana ay kasoo qaybgleen kormeerayaasha, maamulayaasha, macalimiinta, iyo gudida waalidiinta ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba tababarkan oo ay xidhitaankiisii kasoo qaybgaleen wasiir kuxigeenka xafiiska wxabarashada DDSI mudane Maxamuud Axmednuur iyo agaasinka waaxda kormeerka iyo tayada waxbarashada DDSI mudane Cabdixakiin Maxamed Cali ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmednuur oo sheegay inuu tababarkan ahaa mid la idinku barayay ilaalinta nadaafada dugsiyada uu ka howl galo barnaamijka wash waliba habkii loo isticmaali lahaa deeqda dugsiyada (school guarantee) wuxuuna wasiir ku xigeenku kula dardaarmay tababar qaata yaasha inay goobihii ay ka yimaadeen ugasii faaiideeyaan waxa ay ku fahmeen mudadii uu tababarku socday islamarkaana ka dhaqan galiyaan dusiyada.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay mudadii uu tababarku socday wax badan ka faaiideen islamarkaana ay usii gudbin doonaan dugsiyadii ay kakala yimaadeen..


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>