Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Tababar Ku Saabsan Nidaamka Qiimaynta Iyo Darajasiinta Shaqada Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) Arbaca, 22ka March , 2017. Waxaa lagu soo gabagabeeyay xarunta deegaanka ee jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI tababar ku saabsan nidaamka qiimaynta iyo daraja siinta shaqada oo muddo 10 maal-mood ah loo hayay xubno ka socday xafiisyada heer deegaan.

Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay, wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI  marwo Maajida Maxamed Maxamuud iyo  wasiir ku xigeenka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane Xasan Aadan Xasan

Wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud ayaa ka warbixisay ahmiyada iyo ujeedooyinka laga lahaa  tababarkan, waxayna sheegtay wasiirku in nidaamka qiimaynta iyo daraja siinta shaqada ee fahanka  buuxa laga siinayay xubnahan ka socday xafiisyada heer deegaan ay hirgalintiisu tahay mid kaalin mug leh ka qaadanaysa guud ahaanka qorshayaasha horumarka deegaanka. Wasiirka ayaa si qoto dheer ugula dar-daaran tahay xubnahan qaatay tababarka in ay sidii loogu talagalay uga hirgaliyaan deegaanka si looga midho dhaliyo ujeedooyinka nidaamka

Dhankooda xubnihii qaatay tababarkan oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in ay aqoon dheer iyo fahan buuxa ka qaateen nidaamka qiimaynta iyo darajasiinta shaqada islamarkaana ay si dhab ah uga hirgalidoonaan xafiisyada heer deegaan ee ay ka socdeen.

Ugu danbayntii nidaamka qiimaynta iyo darajasiinta shaqada oo ah  mid lagu cabirayo halbeega  shaqada ayaa ah  tabaha  iyo geedi-socod lagu   miisaanka culayska  shaqada,  iyada oo lagu salaynayo  faahfaahinta boosaska shaqo ee ka jira xafiisyada heer deegaan.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>