Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 22ka March 2017. Tababar ay si wadajir ah usoo agaasimeen xafiiska waxbarashada DDSI iyo hay'ada UNICEF islamarkaana ujeedadiisu ahayd in daraasaad lagu sameeyo nidaamka baris barasho ee deegaanka iyo qaabka loo diyaariyo imtixaanaadka fasalada dugsiyada hoose dhexe ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.
Hadaba tababarkan oo ay kasoo qaybgaleeen mas’uuliyiin ka socday hay’ada unicef, Qaar kamid ah shaqaalaha xafiiska waxbarashada DDSI iyo macalimiin ka kala yimid 7ba gobal oo deegaanka ah ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmednuur oo sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay in daraasaad lagu sameeyo nidaamka baris barasho ee deegaanka si kor loogu qaado tayada waxbarshada deegaanka. Islamarkaana loosoo saaro arday tayo leh. Sidoo kale wuxuu wasiirku xusay in tababarkan lagu qaadan doono habka loo diyaariyo imtixaanadka fasalada dugsiyada hoose dhexe islamarkaana diirada lagu saarayo sidii fahan buuxa looga siin lahaa qaabka imtixaanaadka loo diyaariyo.
Ugu danbayna wasiir kuxigeenka ayaa kula dardaarmay in tababar qaatayaashu ay ka faaiidaystaan tababarka mudada uu cashirku socdo maadaama uu tababarkan yahay mid muhiim ah islamarkaana loo bahan yahay inaad natiijo wax ka ool ah ka keentaan daraasaadka nidaamka baris barasho ee deegaanka. Isagoo masuulku intaa ku daray inaad ilaalisaan wakhtiga mudada uu cashirku socdo.