Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Deegaanka Canfarta Oo 26 gaadhi Oo Calafka Xoolaha ah Soo Gaadhsiiyay DDSI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 22ka March 2017. Deegaanka Canfarta Itoobiya ayaa Deegaanka soomaalida itoobiya soo gaadhsiiyay Deeq ka kooban 26 gaadhi oo ah baabuurta xamuulka ah oo sidda calafka xoolaha, iyadoo wakhtigana ay tahay wakhti deegaanka ay meelo kamid ah saamaysay isbadalka cimilada ee roobyaraanta keenay.

Hadaba, deeqdan calafka xoolaha ah ayaa waxaa deegaanka soo gaadhsiiyay islamarkaana uu deegaanka canfartu u soo wakiishay mas’uuliyiin uu horkacayo wasiir kuxigeenka xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraaga Deegaanka Canfarta Itoobiya mudane Ibraahim Maxamed. Iyadoo deeqdana ay lawareegeen wasiir kuxigeenka Xafiiska Xoolaha iyo Horumarinta reerguuraaga DDSI mudane Cali Cumar iyo waliba gudoomiyaha gudiga abaaraha ee ganacsatada Deegaanka mudane khadar macalin oo uu waheliyo garaad kulmiye garaad Dool. Waxayna masuuliyiinta deegaanka matalayay u soojeediyeen masuuliyiintii waday deeqdan mahad celin balaadhan iyagoo sheegay in deegaanka canfartu uu yahay deegaan ay walaalo yihiin deegaanka soomaalida Itoobiya.

Sidookale masuuliyiintii waday deeqdan ayaa xusay in la iskuleeyahay taageeraha noocan ah islamarkaana marar kaladuwan uu deegaanka soomaalidu deeqo kaladuwan soo gaadh siiyay deegaanka canfarta.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in bulshada deegaanka ee isbadalka cimalada ee roobyaraanta keentay saamaysay ay xukuumada DDSI, xukuumada Federaalka iyo waliba dhamaan deegaanada dalku hiil iyo hooba lagarab istaageen. Wallow uu maanta iyo shalayna uu deegaanka meelo kamid ah ka curtay roobkii.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>