Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Mas’uuliyiin Kasocday Waaxda Horumarinta Caalamiga Ah (DFID) UK Oo Kulan La yeeshay Xafiiska Waxbarashada DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 21ka March 2017. Masuuliyiin sare oo ka socotay waaxda horumarinta caalamiga ah ee dalka UK ee loo soo gaabiyo DFID ayaa maanta kulan ay ujeedadiisu ahayd sida u xafiiska waxbarashada DDSI ugu shaqeeyo barnaamijka horumarinta nabadgalyada (peace and development program) la  yeeshay xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba mas’uuliyiintan oo uu horkacayay Mr.Richard Arden, Team Leader, Human Development for DFID, ayaa waxaa xafiiska waxbarashada DDSI ku qaabilay wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashad DDSI mudane Maxamuud Axmednuur islamarkaana wasiir kuxigeenka ayaa mas’uuliyiinta ooga warbixiyay inuu barnaamijkan guulo wax ka ool ah ka keenay qaybaha kaladuwan ee waxbarshada sida tayada macalimiinta, Waxbarashada dadka waawayn iyo reer guuraaga, Wuxuuna mas’uulku intaa ku daray inuu xafiisku sidii loogu talagalay ugu qabtay deeqihii ay ka heleen  waaxda horumarinta caalamiga ah ee dalka UK (DFID) Iyada oo uu xafiisku uga mahad celiyay waaxda xidhiidhka iyo wada shaqaynta dhanka waxbarashada iyo dadaalka ay waaxdu ugu jirto siduu deegaanku u noqon lahaa mid ka baxa jahliga oo sabab u ah cadowgeena koobaad ee saboolnimadka.

Ugu danbayna wasiir kuxigeenka iyo mas’uuliyiinta ayaa booqday dugsiga hoose dhexe ee sheekh Xasan isalamarkaana indha indhayn ku sameeyay qaab usocodka waxbarasho ee dusiga iyagoo halkaa wax kawaydiiyay qaab usocodka waxbarasho dusiga.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>