Minneapolis,(cakaaranews),Isniin, 20ka March, 2017. Munaasabada loogu dabaal dagayay sanad guurada 19 jirsatay ee ka soo wareegtay markii la aas aasay ee dhidibada loo taagay X.D.SH.S.I, oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacay magaalada Minneapolis ee cariga waqooyiga America.
Hadaba Munaasabadan oo ay si meeqaam sare ah u soo agaasimeen jaaliyada DDSI ee waqooyiga america, ayaa waxaa ka qaybgalay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax iyo lataliyaha madaxwayne DDSI ee dhinaca qurba joogta DDSI mudane Bashiir Maxamed, iyada oo ay ka soo qaybgaleen hogaaminta jaaliyada iyo qaybaha kala duwan ee jaaliyaada DDSI ee ku dhaqan waqooyiga America.
Waxaana furitaankii munaasabadan ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayntii mahad-naq balaadhan u soo jeedisay dhamaanba jaaliyada DDSI sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyay magaalada Minneapolis iyo sida quruxda badan ee ay u agaasimeen munaasabadan qaaliga ah ee loogu dabaal dagayo sanad guurada 19aad ee XDSHSI. Waxay sheegtay madaxwayne ku xigeenku in ay salaam uga wado qurba joogtan hogaaminta XDSHSI, xukuumada DDSI iyo shacabkwaynaha DDSI.
madaxwayne ku xigeenka ayaa ka sharax dheerka bixisay marxaladihii kala duwanaa iyo soonyaalka taariikheed ee XDSHSI, heerka uu maanta taagan yahay iyo guulaha uu xisbigu ka gaadhay dhinacyada horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban. Waxaa kale oo ay madaxwayne ku xigeenku ka hadashay xaaladaha abaarta saameeyay qaarka mid ah degmooyinka iyo gobolada DDSI iyo dadaalada ay xukuumada DDSI u gashay sidii shacabka DDSI looga samata bixin lahaa xaaladaasi abaarta.
Dhankooda hogaaminta jaaliyada iyo qaybaha kala duwan ee jaaliyada waqooyiga america oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in aad ugu farax san yihiin in ay munaasabadan kala soo qaybgasho madaxwayne ku xigeenka DDSI, waxayna si qoto dheer uga warbixiyeen guulaha XDSHSI ka soo hooyay fulinta qorshayaasha horumarineed iyo xidhiidhka arimaha qurba joogta, iyaga oo hoosta ka xariiqay in ay ka jaaliyada ahaan sii xoojinayaan hirgalinta siyaasadaha horumarineed ee XDSHSI Waxaa kale oo qaybka qaadanayay intii ay socotay munaasabadani kooxda fanka iyo suugaanta ee xidigaha waqooyiga ameerika kuwaasi oo ku soo bandhigayay dhaantooyin iyo heeso ka turjimaya waxqabadka iyo jihooyinka siyaasadeed ee XDSHSI.