Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Senterka Caleen Iyo Deeqihii Kala Duwanaa Ee Bulshada La gaadhsiiyay

$
0
0

Caleen(cakaaranews)Isniin 20ka March 2017. Koox ay horkacayso Wasiirada Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe ayaa maanta deeq kaladuwan gaadhsiiyay bulshada kudhaqan senterka Caleen ee katirsan degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxey. Deeqdaas oo isugujirta dharka dumarka,  ka ragga, kabo iyo waliba Timir.

Hadaba, wasiirada Xafiiska Arrimaha Haweeenka iyo Carruurta marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo  u warantay warbaahinta deegaanka ayaa sheegtay in ay maanta gaadheen senterka Caleen ee katirsan degmada shilaabo islamarkaana ay bulshda kudhaqan gaadhsiiyeen deeq kakooban Dharr, Kabo iyo Timir. Waxayna wasiiradu xustay in maalmahanba ay kuguda jireen taageerada iyo taakulaynta bulshada kudhaqan senterada garloogubay iyo yucub  oo ay si lamid ah sidan oo kale ugu gaadhsiiyeen deeq noocan ah.

Ugudanbayna, wasiirada ayaa ilaahay uga bariday in bulshada deegaanka uu abaarta kasoojabiyo, roob khayr qaba oo degdeg ahna uu siiyo si abaarta looga baxo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>