Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Qiimayntii Waxqabadka 9ka Bilood Ee Kuliyadaha Deegaanka Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 20ka March 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga si toos ah ooga furmay shirkii qiimaynta waxqabadka 9ka bilood ee kuliyadaha deegaanka oo uu qabtay xafiiska tababarada, Xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta DDSI (TVET)

Hadaba furitaankii qiimaynta waxqabadka 9ka bilood  ee kuliyadaha deegaanka(TVET) ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Wasiirka xafiiska tababarada, Xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta DDSI (TVET) mudane Naasir Xasan Cabdi oo sheegay inuu kulankan yahay qiimayntii waxqabadka 9ka bilood ee dhamaan kuliyadaha deegaanka, Tasoo laga wada hadli doono waxqabadka kuliyad kasta oo ka jirta deegaanka iyo waliba caqabadaha ka jira kuliyadaha deegaanka si loo saxo caqabadahaas. Wuxuuna wasiirku intaa ku daray inay qiimaynta diirada lagu saari doono qaab usocodka shaqo ee kuliyad walba iyo tayada ardayda ay soo saarto kuliyad walba.

Furitaan kadibna waxaa si toos ah ubilowday qiimayntii waxqabadka 9ka bilood ee kuliyadaha deegaanka oo ay maareeyasha kuliyaduhu bilaabeen inay soo dhigaan waxqabadyada kala duwan ee ay kuliyaduhu qabteen iyo waliba caqabadaha ka horyimid 9kii bilood ee lasoo dhaafay.

Waxaana su aalaha iyo caqabadaha ay soo dhigeen mas’uuliyiintu ka jawaabayay Wasiirka islamarkaana usheegayay xalka caqabadaha ay soo dhigeen. Sikastaba ha ahaatee kulankan qiimaynta waxqabadka 9ka bilood ee kuliyadaha deegaanka ayaa halkaa kasii socon doona.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>