Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW CMC Oo Xafiiskiisa Kuqaabilay Mas’uuliyiin Kasocday Hay’ada UNICEF

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 19ka March 2017. Waxaa garoonka caalamiga ah ee garaad wiilwaal lagu soo dhaweeyay mas'uuliyiin sare oo kasocday hay’ada UNICEF oo ay hogaaminayso madaxa hay’ada UNICEF ee bariga iyo koonfurta Africa marwo Leila Pakkala. Waxaana garoonka kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin heer deegaan ah oo ay ugu horayso madaxa xarunta dhexe ahna Wasiirka horumarinta khayraadka biyaha ee DDSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi iyo mas'uuliyiin kale.

kadibna, waxaa waftigan xafiiskiisa kuqaabilay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn mas’uuliyiinta uga mahadceliyay imaanshahooda iyo xidhiidhka qotada-dheer ee wada-shaqayneed ee kadhaxeeya xukuumada dalka, deegaanka iyo hay’ada UNICEF. Wuxuuna madaxwaynuhu si faah-faahsan ugala hadlay mas'uuliyiintan xaalada abaarta ee deegaanka kajirta isagoo uga warbixiyay jawaabihii deg-dega ahaa ee ay dawlada federalka ah iyo xukuumada deegaankuba kabixiyeen bilaw ilaa wakhti xaadirkan iyo inay xooga saareen inuusan shaqsina udhimanin biyo, baad iyo dawo la’aan islamarkaana usheegay inay diirada saareen in dhamaan ceelasha deegaanka ee kuyaala goobaha la isugu yimaado ee caanka ah ay functional ahaadaan hadh iyo habeenba loona dhamaystiray shidaal kufilan, cudud shaqaale iyo dayactirkoodiiba iyo in 57 goobood loo doortay  bixinta adeeg hufan, lana dhigay calafkii xoolaha islamarkaana biyihii, cuntadii iyo dawadiiba loogu diyaariyay dad iyo duunyaba. Taas oo dawo kanoqotay xaalada abaarta ee bulshada xoolo-dhaqatada ah oo awal uhayaami jiray deegaano kale inay goobahaas modelka loo doortay isugu yimaadaan si looga warhayo had iyo jeer Isagoo madaxwaynuhu hay’ada UNICEF ku amaanay dadaalada caafimaad, kuwa horumarineed iyo kaalinta ay kaqaadatay xaalada abaarta. wuxuuna xusay in dhibaatada ugu badan ee deegaanka haysatay oo ahayd biyo la'aan waxqabad badan laga muujiyay islamarkaana mashaariico waawayn oo dhanka biyaha ah laga hirgaliyay deegaanka 7dii sano ee udanbaysay iyo in laxaliyay caqabado badan oo kajiray dhanka jidadka oo mashaariico waawayn oo dhanka jidadka ah oo sahlay dhanka isu-socodka bulshada iyo gaadiidka lahirgaliyay wakhti xaadirkan.

Dhankeeda  madaxa hay’ada UNICEF ee bariga iyo koonfurta Africa marwo Leila Pakkala ayaa ugu horayn kamahadcelisay sida quruxda badan ee loo soo dhaweeyay islamarkaana bogaadisay sida hagar la’aanta ah ee ay xukuumada dalka, tan deegaanka, shacabka iyo hay’aduhuba ugu gurmadeen shacabka ay abaartu saamaysay. Waxayna tilmaantay in qorshe cilmiyaysan oo maskax caafimaad qabta dajisay lagaga jawaabay abaartan iyadoo marwadu intaa kudartay inay deegaanka horay uga soo shaqaysay mudo haatan laga joogo 25 sano kahor oo ay deegaanka kajirtay xaalad cakiran oo horumar la aan ah balse ay deegaanka maanta kamuuqato horumar laxaad leh oo dhan walba ah. marwada ayaana si gaar ah uga mahadcelisay madaxwaynaha tir-tirida caadadii xumayd ee gudniinka fircooniga ah, hirgalinta kooxaha caafimaadka ee wareega oo aan horay uga jirin deegaanka xiligay kashaqayn jirtay iyo aas-aasida wakaalada marxaladaha muhiimka ah oo ay kutilmaantay mid waxtar balaadhan uleh shacabka deegaanka. waxayna hadalkeedii kusoo xidhay inay hay'ada UNICEF sii wadi doonto dadaalada caafimaad ee joogtada ah.

Ugudanbayna, kulankan ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo waftigan inta ay deegaanka kusugan yihiin booqan doona qaar kamid ah gobolada deegaanka ee ay abaartu saamaysay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>