Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta DDSI Oo Deeq Kaladuwan Gaadhsiiyay Bulshada Kudhaqan Senterka Garloogubay iyo Yucub

$
0
0

Wardheer(cakaaranews)Axad 19ka March 2017. Koox ay hogaaminyso Wasiiradda Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe ayaa deeq kaladuwan gaadhsiiyay bulshada kudhaqan senterada Garloogubay iyo Yucub ee kakala tirsan degmada wardheer iyo degmada lehel-yucub. Deeqdaas oo isugujirta dharka laxidho, kabo iyo waliba Timir.   

Hadaba, Wasiiradda Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo shabakada wararka ee cakaaranews u warantay ayaa sheegtay in deeqdani ay kakooban tahay dharka laxidho oo isugujirta dharka shiidka ah, shaadhadh, goonooyin, kabo iyo waliba Timirta lacuno. Wasiirada oo hadalkeeda siiwadata ayaa xustay in deeqdan ay ugu talagaleen bulshada ay saamaysay isbadalka cimilada ee roobyaraanta keentay islamarkaana kudhaqan Senterada kala ah Garloogubay iyo Yucub.

Sidookale, wasiirada ayaa tilmaantay in barina ay si lamid ah ugaadhsiinayaan deeqdan Senterka Caleen ee hoostaga degmada shilaabo ee Gobolka qoraxey.

Ugudanbayna, wasiirada iyo kooxdii wahelinaysay ayaa allaha Raxmaanka ah uga  baryay in roob khayrqaba oo degdeg ah uu siiyo dhamaan bulshada DDSI.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>