Fiiq(cakaaranews)Axad 19ka March 2017. Wafti uu horkacyo wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI mudane amir amaan islamarkaana uu waheliyo wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali ayaa kormeer hawleed kutagay Degmada Fiiq ee xarunta Gobolka Erer.
Hadaba, wasiiru-dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr Amir Amaan oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in ujeedada kormeerkoodani yahay u kuur galida xaalada adeega caafimaadka ee dgmada fiiq. Wuxuuna xusay in ay booqdeen hospitaalka guud ee degmada fiiq, xarumo caafimaad iyo waliba goobo caafimaad oo kuyaala tuulooyinka hoosyimaada degmada. Waiirudawlaha oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in ay indhahooda ku arkeen adeeg bixin fiican oo kajirta degmada kadib markii ay waraysteen qaar kamid ah bulshada kudhaqan degmada fiiq.
Sidokale, wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo isna dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in waftigani ay isugujiraan heer dal, heer deegaan iyo waliba heer gobol. Wuxuuna tilmaamay in ujeedada booqashadani tahay sidii loo soo indho indhayn lahaa xaaladaha caafimaad ee kajira degmada. In la ogaado heerka adeeg bixin ee xarumaha caafimaadka degmada, iyo waliba qanaca bulshadaba Islamarkaana loo sii xoojinlahaa tayaynta caafimaadka degmada fiiq.
Ugudanbayna, wasiirka ayaa tilmaamay in ka xafiis ahaan ay sameeyaan kormeero kaladuwan islamarkaana ujeedada kormeeradu ay yihiin si loo ogaado xaalada adeeg ee xarumaha caafimaadka, iyadoo lasaxayo hadii wax dhaliila lala kulmo, hadii kalana lasii adkaynayo adeeg bixinta caafimaadka ee dhamaan deegaanka ilaa heer tuulo.