Jigjiga(cakaaranews) Sabti 18ka March 2017 Xukumada DDSI ayaa lacag 2 milion ah ugu deeqday qoysaskii ay kabaxeen dadkii kudhintay Dhacdadii naxdinta lahayd ee 7aad kahor kadhacday xarunta dalka ee adhis ababa ee ahayd qashindunka goobta loo yaqaano qooshe.
Hadaba, Wasiirka Xafiiska Xidhiidhka Arrimaha Dawlada DDSI mudane Eng-Idiris Ismacil oo u waramay warbaahinta degaanka ayaa sheegay in ay xukuumada DDSI iyo shacabkeeduba ay aad uga xun yihiin dadkii ku waxyeeloobay dhacdadii qashindunka ee kadhacday caasimada dalka gaar ahaan goobta looyaqaano qooshe. Wuxuuna xusay wasiirku in kalfadhi uu yeeshay golaha kabineetka DDSI uu ku ansixiyay deeq 2 milion ah oo loogu talagalay qoysaskii dhibaatadu kutimid.
Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in ka deegaan ahaan si lamid ah deegaanada kale ee dalka, dawlada federaalka ay aad ugu xunyihiin. iyadoo kalfadhi ay yeeshen Golaha kabineega xukuumada DDSI la iskula qaatay in lacag 2 milion ah lagu taageero dadkii waxyeeladu kasoogaadhay qashinkii dumay ee qooshe si dib udhiska nolosha dadkaas ay gacan uga gaysato maadaama oo ay ahayd masiibo lama filaan ah.
Ugudanbayna, wasiirka ayaa xusay in xukuumadu tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaskii ay kabaxeen xubnihii ku geeriyooday dhacdadii qashin doonka ee qooshe