Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Xafiiska Ganacsiga Iyo Gaadiidka MMj Ayaa Sheegay In Uu Bilaabay Dardargalin Cusub Oo Gaadiidka ah

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Sabti 18ka March 2017. Xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka maamulka magaalada jigjiga ayaa sheegay in uu bilaabay shaqooyin lagu dardargalinayo  adeegyada gaadiidka bulshada sida tagaasida kuwaasoo lawaafajinayo nidaam ay raacaan islamarkaana lagu dhimayo cidhiidhiga wadooyinka magaalada jigjiga.  

Hadaba ,Madaxa Xafiiska Ganacsiga iyo Gadiidka Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Isaaq Macalin Kuulow oo  u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in ay bilaabeen dardarglin cusub oo ku aadan gaadiidka gaar ahaan tagaasida kakala shaqaysa xaafadaha magaalada si loo yareeyo jamka wadooyinka magaalada. Wuxuuna intaa kudary in ay bilabeen cusboonaysiin ku aadan dhanka wadooyinka iyo magacyadooda laguna kalaqoro tagaasida si ay u kalaraacaan wadooyinkaas. Wuxuuna tilmaamay n ay bilaabeen bixintii Boolada 2009 T.I islamarkaana ay soodoontaan gaadiidlayda kudhaqan magaalada jigjiga.

Sidookale, Gadh/W Geedi socodka Gaadiidka ee MM Jigjiga mudane Kaysar Cabdi Khaliif oo isna kahadlay ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo kala duwan oo kuwajahan gaadiidka iyo mulkiilayasha. Wuxuuna xusay inay jiraan foomam kaladuwan oo ah dhinaca xogta gaadiidka, xogta mulkiilaha iyo darawalaka si loo ogaado inta laysan wadata inta wakiilanaga ah iyo waliba dhamaan numberada tagaasida iyo shuruucdooda.

 

Ugudanbayna wuxuu xusay agaasinku in shaqooyinkan uu xafiisku wado ay kafilayaan in natiijooyin wax ku ool ah kasoobaxaan islamarkaana faaiido balaadhan laga heli doono.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>