Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Soo Dhawayntii Minneapolis Ee Madaxwayne Kuxigeenka DDSI Oon Loo Kala Hadhin

$
0
0

Minneapolis(Cakaaranews) Sabti 18ka March 2017. Qurba joogta udhalatay DDSI ee ku dhaqan cariga waqooyiga America gaar ahaan magaalada minneapolis  ayaa si heer sare ah oon loo kala hadhin ugusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee MSP Airport madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo baryahanba hawlo shaqo ujoogtay qurbaha.

Hadaba soo dhawayntan aan loo kala hadhin ee madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa waxaa  si heer sare ah usoo dhaweeyay masuuliyiinta jaaliyada waqooyiga America ee magaalada minneapolis, Heerarka kaladuwan ee Xubnaha jaaliyada iyo muwaadiniin kale oo udhashay DDSI ee ku sugan waqooyiga America gaar ahaan magaalada minneapolis.

Waxayna madaxwayne kuxigeenku  halkaa kulan kula qaadan doontaa masuuliyiinta jaaliyada waqooyiga America iyo dhamaan muwaadiniinta DDSI ee ku sugan waqooyiga America islamarkaana looga hadli doonaa danaha deegaanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>