Jigjiga,(cakaaranews),jumce, 17ka, March, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDSI oo loo qabtay madax xafiiseedyada xafisyada ganacsiga gobolada iyo degmooyinka DDSI ayaa ka furmay caasimada DDSI ee jigjiga.
Tababarkan ayaa waxay ujeedadiisu tahay in fahan buuxa laga siiyo masuuliyiinta xafiisyada ganacsiga gobolada iyo degmooyinka fidinta jihooyinka horumarineed iyo tayaynta adeegyada xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI, maadaamo oo dib u habayn iyo balaadhan lagu sameeyay geedi socodka shaqo ee xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI.
Tababarkaa oo ay furitaankii ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socday xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI ayaa waxaa ka hadlay wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Ibaraahin Maxamed oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka laga leeyahay tababarkan. Isaga oo sheegay in uu yahay tababar kor loogu qaadayo geedi socodka shaqo ee xafiisyada ganacsiga gobolada iyo degmooyinka taasi oo suurta galinaysa sii xoojinta tayada adeegyada la gaadhsiinayo bulshada deegaanka. Wuxuuna ku booriyay wasiir ku xigeenku masuuliyiintan tababarka loo furay in ay fahan balaadhan ka qaataan si ay u gaadhsiiyaan islamarkaana ka hirgaliyaan gobolada iyo degmooyinka ay ka socdaan.
Tababarkan oo qaybka ah kor u qaadida iyo xoojinta tayada adeegyada iyo qorshayaasha horumarineed ee xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI ayaa sii socondoona maal-maha soo socda.