Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Mas’uuliyiinta Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Kulan Wacyigalin Ah La Yeeshay Ardayda Dugsiga Hoyiga Agoonta Ee MM Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 16ka March 2017. Masuuliyiinta xafiiska waxbarashada DDSI oo ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad iyo Wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmednuur ayaa kulan lagu dar-dar galinayo tayada waxbarashada layeeshay aradayda schoolada magaalada jigjiga gaar ahaan  ardayda wax kabarata dugsiga hoyiga agoonta ee maamulka magaalada jigjiga.

Hadaba kulankan ay masuuliyiintu la yeesheen ardayda wax kabarata dugsiga hoyiga agoonta ee mm jigjiga ayaa ahaa mid diirada lagu saarayay sida ay wax ubartaan ardayda islamarkaana loogu diyaar garoobayay imtixaanka fasalka 10aad ee sanadan 2009TI.

Ugu danbayna masuuliyiinta ayaa si wadajir ah ugu booriyay ardayda wax kabarata dugsiga hoyiga agoonta inay xoojiyaan dadaalkooda waxbarasho islamarkaana sameeyaan diyaar garaw fiican oo ay natiijo fiican ka keenaan imtixaanka fasalka 10aad ee fooda inagusoo haya, Waxayna kula dardaarmeen ardayda inay kasoo baxaan kaalintooda waxbarasho maadaamo ay heleen waxbarasho iyo macalimiin tayo leh oo si hagar la aan ah wax ubaray. Sikastaba ha ahaatee xafiiska waxbarashada DDSI ayaa wada dadaalo uu xooga ku saarayo guud ahaanba dugsiyada iyo ardayda deegaanka siday natiijooyin fiican ugu keeni lahaayeen imtixaanada kala duwan ee heer qaran iyo kuwa heer deegaanba.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>