Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Maareeye yaasha Senterada Degmada Qalaafe Oo Tababar Loo Qabtay

$
0
0

Qalaafe (Cakaaranews)Talaado 14ka March 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska maamulka shaqaalaha CPA ee Degmada qalaafe islamarkaana ay kasooqaybgaleen Kabinetka Degmada qalaafe, loona hayay maareyayaasha Centerada/tuulooyinka hoosyimaada degmada qalaafe ee Gobolka shabeele ayaa si habsamileh loogu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee isla degmada.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa  kahadlay Kusimaha Madaxa Xafiiska Maamulka Shaqaalaha (CPA) ee Degmada qalaafe mudane Mahad Igbaar Xudur oo sheegay in tababarkani ujeedaiisu  tahay mid kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee maareyayaasha centerada hoosyimaada degmada qalaafe. Wuxuuna xusay in tabaarkani yahay mid ay maareyaashu kubaranayaan casharo ku qotama xidhmoooyinka maamulka suuban (Good Governance Packages). Wuxuuna tilmaamay in tababarkan fulintiisa ay gacanwayn kagaysteen maaulka degmadu oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada qalaafe mudane Maxamed Khadar Faarax.

Dhankooda xubno kamid ah kabineetka degmada qalaafe oo kasooqaybgalay  gabagabadii tababarka ayaa maareeyayaasha u soojeediyay khudbado kaladuwan oo kahadlaya shuruucda maamulka suuban iyo ilaalinta saraynta sharciga Iyo kaydinta iyo xafidida documentiyada cenetrada, Ilaalinta iyo daryeelka goobaha adeeg-bixinta  ee kuyaala degmada sida biyaha, caafimaadka, beeraha  iyo waxbarashada. Waxayna carabka kudhfteen in warbixinada ceneterada ay wakhtigiisa soo diraan.

Ugudanbayna, dhankooda maareyayaashii tababarka kasooqaybgalay ayaa sheegay in tababarkani ahaa mid faaiido wayn ay kafaa’iideen islamarkaana ay kubarteen casharo laxidhiidha xidhmooyinka maamulka suuban. Waxayna xuseen in kadib mrkii ay kulaabtaan cenetaradii ay  ficil kumuujinayaan casharadii ay barteen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>