Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 13ka March 2017. Kulan balaadhan oo loogu diyaargaroobayo xuska 7aadka magaalooyinka ee dalkeena itoobiya islamarkaana ay kasoo qaybgaleen kabaneega 6da maamul magaalo ee deegaanak , Injineero, iyo agaasimayaal ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI.
Hadaba kulankan oo uu soo agaasimay xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska horumarinta, magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar oo sheegay inuu kulankan yahay mid loogu diyaar garoobayo xuska 7aadka magaalooyinka dalkeena itobiya oo goordhow lagu qaban doono magaalada Gondor ee deegaanka axmaarada, Wuxuuna madaxwayne kuxigeenku intaa ku daray in xuskan lagusoo bandhigi doono horumarada kaladuwan ee magaalo walba ka samaysay deegaankeeda, Sida dhismaha mashaariicaha kala duwan ee ay magaalo walba fulisay.
Ugu danbayna madaxwayne kuxigeenka ayaa xusay in mudada uu cashirku socdo iyo maalmaha ka hadhan xuskaba laga wada hadli doono sidii loogu diyaar garoobi lahaa xuska 7aadka maagaalooyinka ee maalmaha fooda inagusoo haya ka qabsoomi doona deegaanka axmaarada. Sikastaba ha ahaatee kulankan ayaa socon doona mudo labo maalmood ah.