Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Lagaga Hadlayay Xaaladaha Abaaraha Oo Ka Dhacay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Arbaca, 15ka, March, 2017 Kulan uu soo diyaariyay xafiiska waxbarashada DDSI  oo lagu gorfaynayay  sidii hay’adaha aan dawliga ahayn ee ay  bah-wadaagta yihiin xafiiska waxbarashada  DDSI  u sii xoojin lahayeen ka qayb-qaadashada wax ka qabadka  xaaladaha abaaraha ee dhinaca waxbarashada  ayaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee huteelka city crown.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka soo qaybgalay   masuuliyiin  ay ka mid yihiin wasiirka   xafiiska waxbarashada DDSI mudane ibraahin Aadan Mahad, wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarahsada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (heeryo) wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen maxamed, La-taliyaha Madaxwaynaha DDSI dhinaca  arimaha bini-aadanimada  iyo Xidhiidhka Hay’adaha Caalamiga ahna Wasiir-xigeenka Xafiiska ka hortaga iyo udiyaar-garowga Masiibooyinka DDSI Mudane Anwar Cali maareeyaha ururka horumarinta somalida itoobiya mudane Cabdifataax Siciid iyo masuuliyiinta ugu saraysa hayadaha aan dawliga ahayn ee ka hawlgala DDSI.

Waxana furitaankii kulankaasi ka hadlay  wasiirka xafiiska waxbarashada mudane Ibraahin Aadan Mahad  oo si qoto dheer uga warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada kulankaasi.  wasiirka ayaa sharax dheerka bixiyay xaaladaha abaaraha ka jira  qaarka ka  mid ah degmooyinka DDSI iyo dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii bulshada looga samata bixin lahaa abaarahaasi sameeyay qaarka mid ah degmooyinka DDSI . Wasiirka ayaa sheegay  in hay’adaha looga baahan yahay sidii   ay u  sii xoojin lahaayeen  doorka ay ku leeyihiin wax ka qabadka xaaladaasi abaaraha ee ay  keentay cimilada isbadashay gaar ahaan dhinaca xoojinta waxbarashada taasi oo awooda la saarayo sidii saamayn aanay ugu keenteen abaartu ardayda waxka barata dugsiyada ku yaala degmooyinka abaaruhu saameeyeen

Dhankooda masuuliyiinta ka socday haay’adahan loo qaybtay kulanka ayaa sheegay in ay si baladhan uga qayb-qaadanayaan dadaalka loogu jiro wax ka qabadka xaaladaha abaaraha ee saameeyay qaarka mid ah degmooyinka DDSI waxayna hoosta ka xariiqeen in ay taageero dhinac kasta leh ka gaysanayaan dadaalada loogu jiro sidii bulshada ay saameeyeen abaaruhu looga samata bixin lahaa xaaladahaasi abaaraha.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>