Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 25ka January 2017. Raisal wasaaraha JDFI mudane Haile-mariam Desalegn ayaa shahaado sharafta ugu saraysa oo khaas ah kugudoonsiiyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Xuskii 16,aad ee maalinta xoolo-dhaqatada dalkeena oo kadhacday garoonka wayn ee sida casrig ah loo dhisay ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan boqolaal kun oo qof.
Hadaba, shahaado sharaftan khaaska ah oo ahayd mid katurjumaysa waxqabadyada marag-madoonta ah ee Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa gudaheeda kuqoraa in shahaado sharaftani tahay mid uu madaxwaynuhu kumutaystay waxqabadyada aan qoraal iyo akhris’toona lagu soo koobi karin ee uu kahirgaliyay deegaanka tusaale ahaan dhinaca nabadgalyada ee gaar ahaan gudaha deegaanka, arrimaha xuduudaha iyo dibadaba iyo dhinaca horumarka khaasatan waxqabadyada laxidhiidha horumarinta biyaha, dhisida buundoonyinka iyo jidadka, waxbarashada, caafimaadka, kor uqaadida waxsoosaarka deegaanka, hirgalinta mashaariicaha waawayn ee waraabka, kaqaybgalinta haweenka dhinaca siyaasada, abaabulka iyo iskuxidhka dhalinyarada, mashaariicaha guryaynta, kor uqaadida dadka ay hayntoodu yar tahay sida yagleelida microfinancega, hindisaha qorshayaasha layaabka leh sida dhakhaatiirta dawaynta iyo qaliinka indhaha, socdaalada uu shacabka kula wadaagayo noloshooda dhabta ah kuna darsayo baahidooda, kajawaabida degdega ah ee baahida bulshada haba ugu danbayso xaalada abaaraha ee saamaysay gobolada qaar gaar ahaan degmada gaashaamo iyo isbadalka guud ee dhawaan deegaanka kahanaqaaday oo ah mid makhraati-madoon ah iyadoo oo ay waliba madaxwaynaha u dheertay waxqabadyada uu kasoo hoyiyay dhinaca xidhiidhka dadwaynha dal iyo dibadba oo dhamaantood ah mid ay madaxwaynaha, xukuumada iyo XDSHSI ku amaanan yihiin islamarkaana ay ku keeneen kago’naanshiiyo dhab ah, xilkasnimo, wadaniyad, karti, dulqaad, aqoon iyo daacadnimo ay saldhig u tahay lahaanshiyaha aragti shacab iyo maskax caafimaad qabta.
Ugu danbayna madaxwaynaha DDSI mudane CMC ayaa si diiran oo kal iyo laab ah uga gudoomay Raisal wasaaraha JDFI mudane Haile-mariam Desalegn shahaado sharaftan qaaliga ah isagoo bogaadiyay islamarkaana uga mahadceliyay raisal wasaaraha iyo xukuumada federalka ahba.