Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 25ka January 2017. Munaasabada 16 jirsatay ee xuska maalinta xoolo dhaqatada jamuuriyda diquqoraadiga faderaalka itoobiya (JDFI) oon Loo kala hadhin ayaa maanta si qurux badan loogu dabaal dagay garoonka kubada cagta caasimada DDSI ee magaalada jigjig.
Hadba munaasabadan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa JFDI oo uu ka mid yahay Raysal wasaaraha JDFI mudane Hailemariam deselen, golaha wasiirada JDFI, masuuliyiinta ugu saraysa dawlad deegaanada dalka oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, masuuliyiin urur goboleedka IGAD qaybaha kala duwan ee bulshada ka socotay deegaanada xoolo dhaqatada, kooxaha dhaqanda fanka iyo suugaanta dalka iyo deegaanada dalka, qaybaha warbaahinta dalka iyo deegaanada dalka kuwa heer caalam ah iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadan.
Waxaana ugu horayntii ka hadaly munaasabadan khudbad dhaxal gal ahna ka soo jeediyay raysil wasaaraha JFDI mudane Hailemariam Deselan oo ugu horayntii ugu hambalyeeyay bulshada xoolo dhaqatada ah munaasabadan 16 jirsaday ee xuska maalinta xoolo dhaqatada. Raysal- wasaaraha ayaa shacabka iyo xukuumada DDSI ugu mahad celiyay sida quruxda badan ee loo diyaariyay munaasabadan qaaliga ah iyo soo dhawaynta wanaagan, wuxuuna sheegay raysil-wasaaruhu in ay munaasabadani tahay mid rumaysaysa hirgalinta iyo ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan dalka. dhinaca kale raysal- wasaaraha ayaa deegaanka ku amaanay hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee maalgashiga u ah horumarinta bulshada DDSI islamarkaana madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar gudoonsiiyay shahaado sharaf khaas ah oo ka turjumaysay waxqabadka marag madoonta ah ee madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar. Sidoo kale raysal wasaaraha dalka ayaa abaal marin dhanka horumarinta biyaha ah gudoonsiiyay wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha ahna madaxa xarunta dhexe marwo Fartuun Cabdi Mahdi.
Sidoo kale munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si kooban u soo dhigay guulaha waawayn ee sanadihii ugu danbeeyay laga gaadhay dhinaca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada loona dajiyay bulshada xoolo dhaqatada ah istaraatajiyada kor loogu qaadayo tayada xoolaha iyo suuqgayntooda, madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay xaalada abaaraha ee hada ka taagan qaarka mid ah gobolada DDSI, wuxuuna madaxwaynuhu uga mahad celiyay raysil wasaaraha dalka booqashadii uu ku dagay gobolada iyo degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen ee uu ugu kuur galayay xaalada noloshada bulshad ay abaaruhu saameeyeen. Sidoo kale madaxwaynaha DDSI ayaa u mahad celiyay dawlad deegaanka Tigree oo deeqo miisaan culus ku soo deeqay bulshada DDSI ee ay abaaruhu saameeyeen. Wuxuuna madaxwaynuhu gudoonsiiyay madaxwaynaha deegaanka shucuubta koonfureed oo lagu qaban doono xuska 17aad Ee maalinta xoola dhaqatada JDFI, Isagoo madaxwaynaha deegaanka shucuubta koonfureedna uu kula wareegay halkaas.
Waxaa kale oo ka hadlay munaasabadan wasiirka wasaarada arimaha faderaalka iyo horumarinta bulshada xoolo dhaqatada JDFI mudane Kase tegle burhan oo ka warbixiyay dhibaatooyinkii soo haysan jiray bulshada xoolo dhaqatada dalkeena itoobiya balse markii ay itoobiyada cusub dajisay qorsheyaal iyo istaraatajiyada cilmiyaysan oo kor loogu qaadayo nolosha bulshada xoolo dhaqatada ayaa guulo waawayn laga soo hooyay dhinaca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada waxaana la dajiyay ayuu yidhi wasiirku jihooyinkii ay bulshada xoolo dhaqatada ah kaga faa’iidasan lahaayeen wax soo saarka xoolahooga wasiirka ayaa intaasi ku daray in dawlada faderaalku sii xoojinayso talaabooyinka kor loogu qaadayo nolosha bulshada xoolo dhaqatada ah iyo tayada xoolaha dalka.
waxaana lagu bixiyay munaasabadan abaalmarino kala duwan iyada oo xubnaha horumuudka ah ee bulshada xoolo dhaqatada dalka uu raysilwasaaraha dalku gudoonsiiya abaalmarino kala duwan.
Iskusoo wada duuboo munaasabadan oo ay ardayda maamulka magaalada jigjiga iyo kooxaha fanka iyo kooxda baanbayda ay ciyaaro quruxbadan oo calaamado ka turjumaya munaasabada kusoo bandhigay ayaa ku dhamaaday jawi aad uquruxbadan.