Dhagaxbuur(cakaaranews)Arbaco 25ka January 2017. Tababar ay iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI iyo hay’ada USAID islamarkaana ujeedadiisu tahay kor uqaadida luuqada afka soomaaliga kana soo qaybgaleen 28 xubnood oo loogu tagalay in ay tababaraan macaliminta luuqada afka soomaaliga ee deegaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay xarunta Gobolka jarar ee magaalada dhagaxbuur.
Hadaba, tababarkan oo ay wada fulinayeen hay’ada SCI mashruuceeda READ TA iyo Xafiiska Waxbarshada DDSI ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay macalinkii casharada bixinayay(master trainer) ahna xubin katirsan shaqaalaha xafiiska waxbarashada DDSI mudane Xuseen Maxamuud Daahir ayaa sheegay in tababarkani yahay tababar loogu talagalay tababarayaasha macalimiinta luuqada afkahooyo islamarkaana lagu bixinayay casharo laxidhiidha habka baris barasho ee luuqada afka hooyo.Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan lagu fulinayo Mashruuca (READ TA) oo ay iska kaashadeen hay’adaha USAID, SCI iyo waliba wasaarada waxbarashada JDFI iyo xafiiska waxbarashada DDSI. Islamarkaana larabo in luuqada afkahooyo kor loogu qaado dhanka qorista iyo akhriska ee caruuta wax ka barata dugsiyada hoose ee Deegaanka.
Sidookale, khabiir kasocday hay’ada SCI mudane Axmed Xaashi baari ayaa sheegay in tababarkani yahay tababar kor loogu qaadayo aqoonta tababarayaasha ee luuqada afka soomaaliga kaasoo ay iska kaashadeen hayada USAID, RTI, SCI iyo waliba xafiiska waxbarashada. Isagoo tilmaamay in macalimiintan tababarka lasiinayo larabo in ay tababar siiyaan maalmo yar kadib macalimiin tiradoodu kor u dhaafayso 800 oo macalin oo ah barayaasha luuqada afka soomaliga ee dugsiyada hoose. Isagoo carabka kudhuftay in tababarkan iyo tababarka ay sii bixinayaanba uu yahay mid faaiido badan u ah deegaanka gaar ahaan dhanka barashada iyo kor uqaadida luuqada afka hooyo.
Iskusoowada duuboo, tababarkan oo lasiinayay 28 xubnood oo isugujira macalimiin iyo xirfadlayaal ayaa ah mid lagu xoojinayo luuqada afka hooyo islamarkaana maalmo yar kadib ay bilaabi doonaan tababarkii caadiga ahaa ee ay siinayeen macalimiinta dugsiyada hoose gaar ahaan macalimiinta luuqada afka hooyo.