Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 26ka January 2017. Raisal-wasaaraha JDFI mudane hailemariam Desalegn ayaa saaka kaduulay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiil waal international airport isagoo mudo 3 maalmood iyo 2 habeen ah kusugnaa deegaanka islamarkaana kulamo wadatashi ah layeeshay waxgaradka, odayaasha iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada kudhaqan magaalada qabridahar, kadibna si toos ah uga cagadhigtay degmada gaashaamo bari si uu udarso xaalada nololeed ee bulshada ay abaaruhu saameeyeen, Iyada oo uu halkaasna kulan wadatashi ah kulayaashey qaybaha kaladuwan ee bulshada kadibna ugasii gudbay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay soona indha indheeyay mashaariicaha waawayn ee laga hirgaliyay meelo kamid ah agagaarka magaalada iyo gudahaba Sida mashruuca balaadhan ee maxjarka camadhle, guryo-wadareedka sida casriga ah loo dhisay ee real stateka xaafada dulqabow iyo xarunta madaxtooyada ee cusub islamarkaana habeenkii 1,aad casho-sharaf nasasho iyo soo dhawayn ah loogu sameeyay xarunta madaxtooyada ee DDSI.
Hadaba raisal wasaaraha oo kaqaybgalay xuskii 16,aad ee maalinta xoolo-dhaqatada dalka oo lagu qabtay xarunta deegaankeena ee magaalada jigjiga islamarkaana habeenimadii xalay ahayd uhoyday caasimada deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa saaka uga duulay deegaanka dhanka xarunta dalka ee magaalada adhisababa isagoo halkaa kaga qaybgali doona shirka midawga Africa.