Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Qiimayn Loo Qabtay Shaqaalaha Iyo Macalimiinta Kuliyada TTC

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado 17ka January 2017. Shir Qiimayn ah oo ay kasooqaybgaleen maareeyaha kuliyada, maareeye kuxigeenada, islamarkaana loohayay dhamaan macalimiinta iyo shaqaalaha qaybahooda kaladuwan ee kuliyada macalimiinta ee Dr Cabdimajiid Xuseen ayaa si habsamileh uga qabsoomay isla kuliyada.

Shirkan qiimaynta ah oo uu shirgudoon ka ahaa Maareeyaha Kuliyada Macalimiinta ee Dr cabdimajiid xuseen mudane Kifaax Cabdulaahi Macalin  ayaa sheegay in shirkani yahay shir qiimayn ah islamarkaana la iskuqiimaynayo xilka iyo waajibaadka shaqo ee loo idmaday shaqsi kasta, kamidho dhalinta qorshayaaha u yaala kuliyada, qabyaalada eexda, ilaalinta sharciga iwm.  Wuxuuna intaa kudaray in qiimayntu ay tahay mid ufiican shaqada iyo shaqaalaha iyo waliba macaamiisha kuliyada islamarkaana lagu saxayo dhaliilaha jira.

Sidookale, maareeyaha ayaa carabka kudhuftay in qiimayntan larabo in lagu soosaaroo shaqaalaha fuliya dhamaan waajibaadka saran ee shaqada iyo shaqaalaha liita iyo sidookale macalinka ka soobaxa waajibaadkiisa iyo ka aan kasoobixin. wuxuuna tilmaamay masuulku in qiimayntani ay tahay mid lagu daradar galinayo shaqada kuliyada macalimiinta ee Dr Cabdimajiid.

Ugudanbayna, qaarkamid ah macalimiintii iyo shaqaalihii qiimaynta loo hayay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin qiimayntan loo qabtay iyagoo xusay in qiimayntu aytahay adkaynta iyo sii xoojinta shaqooyinka hay’ad kasta oo dawli ah iyo mid aan dawli ahynba.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>