Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

35 Gaadhi Oo Sidda Calafka Xoolaha Oo U Anbabaxay Gobolka Doolo

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 16ka January 2017. Iyadoo baryahanba Xafiiska Horumarinta Xoolaha iyo Reer-guuraaga oo kaashanaya xukuumada DDSI uu ku hawlanyahay gargaarka bulshada deegaanka ee roobyaraantu lasoo daristay sanadkan isagoo mararbadan oo kaladuwan gaadhsiyay deeq isugujirta calafka xoolaha iyo raashin ayaa sidookale maantana ay 35 gaadhi oo ah calafka xoolaha loo diray Gobolka Doolo.

Hadaba, deeqdan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixisay wasiirka xafiiska Horumarinta Xoolaha iyo Reer-guuraaga DDSI marwo Faadumo Cabdulaahi Takhal oo sheegtay in deeqdani  ay tahay deeq ka kooban calafka xoolaha islamarkana loogu talagalay in loo qaybiyo dhamaan xoolo-dhaqatada ku kala nool degmooyinka hoosyimaada gobolka doolo iyadoo calafkan xoolahana lagu dajindoono islamarkaana lagu qaybin doono ceelasha ay xooluhu ka cabbaan ee ay isugu yimaadaan

Wasiirada oo hadalkeeda siiwadata ayaa tilmaantay in deeqdani ay san ahayn tii ugu horaysay islamarkaana aysan noqondoonin tii ugu danbaysay waxayna u mahadcelisay xukuumada DDSI iyo haaydaha dawliga ah ee heer dal iyo heer deegaanba.

Ugudanbayna, wasiirada ayaa bulshada deegaanka u  ducaysay iyadoo xustay in allaha raxmaanka ahi uu  roobab khayrqaba oo dagdag ah siiyo bulshada DDSI.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>