Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Shir Qiimayn Ah Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Xeerilaalinta Guud Iyo Cadaalada DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 17ka January 2017. Shir qiimayn ah oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan shaqaalaha Geedisocodyada kaladuwan ee xafiiska xeer ilaalinta iyo cadaalada DDSI oo uu shir gudoominayay Wasiirka xafiiska xeer ilaalinta guudiyo cadaalada mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba shirkan qiimaynta oo uu shir gudoon ka ahaa Wasiirka xafiiska xeer ilaalinta guud iyo cadaalada mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi ayaa sheegay inuu ujeedada qiimayntan tahay isla xisaabtanka shaqada ilaalinta saacadaha shaqada, Dhanka aragtida, Musuqa, xilka iyo waajibaadka shaqo ee qof walba loo idmay siduu oogasoo baxay iyo waliba in shaqsi walba lasoo dhigo siduu shaqada ku yahay haduu ku fiicanyahay iyo haduu ku xunyahayba.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay inay qiimayntu  lagu bilaabo qodobadaas islamarkaana la isu qiimeeyo si cadaalad ah oo ka reeban eex iyo nin jeclaysiba, Si kastaba ha ahaatee qiimayntan loo hayay shaqaalaha xafiiska xeerilaalinta guud iyo cadaalada DDSI ayaa kadib markii la isu qiimeeyay shaqsi shaqsi lana saxay cidii dhaliil loosoo dhigay kusoo dhamaatay jawi fiican, Iyadoo wasiirku tilmaamay in qiimayntani noqon doonto mid joogta ah islamarkaana shaqsi walba lagu abaal marin doono sida losoo dhigay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>