Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Socdaalo Lagu Darsayo Xaalada Abaarta

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) isniin 6da March 2017. Waxaa socdaalo dhaadheer oo lagu darsayo xaalada nololeed ee bulshada ay abaartu saamaysay ubaxay kooxo isugu jira hogaaminta xisbiga iyo xukuumada deegaanka oo ay kala hogaaminayaan marwo Fartuun Cabdi Mahdi-madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI ahna wasiirka xafiiska biyaha iyo horumarinta Khayraadka iyo mudane Cumar Maxamuud Cabdi oo ah madaxa arimaha siyaasada ee xarunta dhexe ee XDSHSI oo hal team ah iyo teamka kale oo ay hogaaminayaan marwo Maajida Maxamed Maxamuud-wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumainta maamulka cududa shaqaalaha DDSI iyo wasiirka hantidhawrka guud ee DDSI mudane Aadan Kuusow.

Hadaba kooxahan oo socdaaladooda kumari doona in kabadan 30 degmo oo deegaanka ah gaar ahaan 57dii goobood ee horay loo doortay ayaa bulshada ay abaartu saamaysay ee goobahaas gaadhsiin doona deeq raashin ah oo isugu jirta sonkor iyo bariis oo dhan 38,400 (sodon iyo sideed kun iyo afar boqol ) oo kiish Iyadoo ay garab socdaan adeegii talaalka iyo dawaynta xoolaha, dawaynta iyo quudinta dadka iyo waliba calafka xoolaha.

Waxaana xusid mudan in kooxihii taageerada gaarka ah ee dhinacyada caafimaadka, biyaha, xoolaha iyo adeegyada gaarka ah ee heer degmo, heer gobol iyo heer deegaanba ay shaqooyinkoodii ahaa gurmadka iyo kasamata-bixinta bulshada dhanka abaaraha ay wali kujiraan. socdaaladanina ay yihiin kuwo taageero, qiimayn iyo daraasaad ay kusoo samaynayaan mas'uuliyiintani xaalada abaaraha ee deegaankeena.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>