Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW CMC Iyo Mas’uulyiin Heer Federal ah Oo Dhawaan Booqan Doona Goobaha Ay Abaartu Saamaysay Ee Deegaankeena

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) isniin 6da March 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya mas’uuliyiin heer federal ah ayaa todobaadkan soo socda gudihiisa socdaal ay ujeedadiisu tahay in si dhab ah loo qiimeeyo xaalada abaarta ee deegaankeena kugalaa-bixin doona qaar kamid ah gobolada deegaanka ee ay abaartu saamaysay iyadoo ay xusid mudan tahay jawaabtii degdega ahayd ee ay dawlada federlka ahi kabixisay xaalada abaarta iyo socdaalkii taariikhda galay ee uu raisal-wasaaraha dalkeenu kuyimid deegaanka isagoo bulshada deegaanka kalaqaybqaatay xaalada ay kusugan yihiin, kadiyaar-garawgii iyo gurmadkii degdega ahaa ee ay xukuumada deegaanku kabixisay xaalada abaarta si aysan dad iyo duunyaba ugu waxyeeloobin oo uu ugu horeeyay socdaalkii lamagac-baxay ‘allaw jiilaalka gu’ nooga yeel’ iyadoo waliba ay xukuumadu xooga saartay goobaha biyaha ee muhiimka ah inaysan marnaba gu’in islamarkaana calafkii xoolaha, dawadii dadka, dawadii xoolaha iyo quudintii bulshadaba kudiyaarisay in kabadan 60 ceel-biyood oo riig ah oo ay xukuumadu udooratay meelaha ay bulshada xoola-dhaqatada ah ee ugu badani isugu iman karaan.

Waxaa intaa dheer oo aan marnaba la iloobi karin sidii hagar la’aanta ahayd ee shacabka walaalaheen ah ee deegaanka tigray ay ugu soo gurmadeen shacabka ay abaartu saamaysay ee deegaankeena, Kaqaybgalkii iyo taageeradii aan loo kalahadhin ee ganacsatada deegaankeena iyo waliba kaalintii hay’adaha aan dawliga ahayn ee kahawl-gala dalkeena gaar ahaan deegaankeena sida UNICEF, WFP WHO, IOM, OXFAM, IRC, SCI, ESDA Iyo Islamic Relief ay kaqaateen iyadoo dhinaca kalana ay xusid mudan yihiin shaqsiyaadkii dal iyo dibadba kadamqaday xaalada abaarta moral ahaan iyo kuwii kaalinta kagaystayba.

Iskusoo wada duuboo, xisbiga EPRDF, dawlada federalka ah, XDSHSI iyo xukuumada deegaanka oo had iyo jeer utaagan kajawaabida baahida bulshada ayaa socdaal uu hogaaminayo madaxwayne CMC oo si dhab ah loogu qiimaynayo xaalada abaarta kugaalaa-bixin doona goobaha ay abaartu saamaysay ee deegaankeena.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>