Jigjiga(cakaaranews)Isniin 27ka February 2017. Tababar kusaabsan nidaamka faayo-dhawrka ee ardayda iyo dugsiyada deegaanka oo laga fulinayay barnaamijka WASH ee Xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaar kamid ah shaqaalaha, kormeerayaasha, khabiirada xafiisyada ee degmooyinka ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.
Hadaba, Tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo ugu horayn umahadceliyay dhamaan kaqaygalayaasha sida wanaagsan ay uga sooqaybgaleen islamarkaanaa ay casharada u qaadanayeen mudadii sadexda cisho ahayd ee uu tababarku socday. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan ay kaqaybgalaayshu kubarteen casharo muhiim ah oo kuqotama nidaamka faayo dhawrka ee dugsiyada iyo ardayda labadaba. Wuxuuna kuladardaarmay kaqaybgalaaysha in sifaacan loo hirgaliyo casharadii labartay iyagoo samaynaya wacyigalin islamarkaana dhisaya dhamaan CLUB yadii loogu talagalay dugsiyada ee WASH Program.
Sidookale, Gadh/W Geedisocodka Dabagalka (Inspection) ee Xafiiska waxbarashada DDSI mudane Muxiyadiin Sheekh Cabdiraxmaan oo dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in tababarkani socday mudo sadex maalmood ah islamarkaana ay kasooqaybgaleen in kabadan 48 xubnood oo ka kala yimid qaarkamid ah gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan intii uu socday sifiican kaqaybagalyaashu ugu barteen faaiidooyinka faayodhawrka iyo waliba saamaynta xun ee faayodhawr la’aantu kuleedahay bulshada gaar ahaan ardayda iyo dugsiyada iyo waliba bulshada ku hareeraysan.
Ugudanbayna, kaqaybgalayaashii oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in tababarkan ay kafaaiideen casharo muhiim ah oo ku qotama nidaamka faayodhawrka iyo faaiidada uu uleeyahay caafimaadka guud ee bani aadamka. Waxayna tilmaameen in ay ficil kumuujinayaan casharadii ay barteen.